Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Biyo dhaamin loo sameeyay qoysas biyo yari ku heysato galbeedka Baladweyne “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Biyo dhaamin loo sameeyay qoysas biyo yari ku heysato galbeedka Baladweyne “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deegannada Ceelka Samow iyo Ceel Idaad oo dhanka galbeed ka xiga magaalada Baladweyne isla markana ay ku nool yihiin dad u badan xoolo dhaqato iyo beeraley  ayaa waxaa xiligan soo food saartay biyo yari kaddib markii inta badan ay gureen ceelashii biyaha ay ka cabi jireen dadka iyo duunyada, maadaam lagu guda jiro xili jiilaal ah.

Ilaa kontan booyadood oo ay bixiyeen dad muxsiniin ah ayaa loo qeybiyay dadka, halka kuwa kalana loogu shubay baraago yaryar oo ay dhagax dhigeen baco.

Related posts

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

January 28, 2026
Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

January 28, 2026

Ibraahim Cabdi Muxumed oo loo soo wakiishay biyo dhaaminta ayaa sheegay in biyo dhaaminta ay ka bilaabeen deegaannada Ceelka Samow iyo Ceel Idaad, halkaasi oo ah meelaha ugu daran ee ay biyo yarida ka jirto.

Sheekh Maxamed Nuur oo ka mid ah culimaa’udiinka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga qeyb qaato caawinta dadka ay soo food saartay biyo yarida.

Qaar ka mid ah dadka xoolo dhaqatada ah ee biyo dhaaminta loo sameeyay ayaa sheegay in deegannadan ay xiligan ka jirto biyo yari, isla markana meesha ugu dhow loo socdo muddo lix saacadood ah, ayna codsanayaan in il gaar ah lagu eego.

Previous Post

Shirka guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka oo ka furmay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya

Next Post
Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya

Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

January 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa magaalada Nairobi, caasimadda dalka...

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

January 28, 2026
0

Horjooge Cabdiraxmaan Talxo Shuuke, oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, ayaa maanta isku dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka Galayr...

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

January 28, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hoggaaminayso dadaallada Golaha Ammaanka ee...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

January 28, 2026
0

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, iyagoo ku baacsanaya dhulka howdka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In