Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Booliiska Galmudug oo gacanta ku dhigay rag kufsi iyo jirdil geystay “SAWIRRO”

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Booliiska Galmudug oo gacanta ku dhigay rag kufsi iyo jirdil geystay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidanka Booliska Fadaraalka Soomaaliyeed ee ka howl gala  Gobalka Mudug ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa ku guuleeysatay in ay gacanta kusoo dhigaan shan nin oo dhallinyara ah kuwaasi oo ku eedeeysan fal isugu jira kufsi iyo jirdil ay sheegeen saraakiisha ciidanka booliska Galmudug in ay kula kaceen gabar Soomaaliyeed.

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobalka Mudug ee Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Galmudug  G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaana Warbaahinta Qaranka uga waramay sida ay wax u dhaceen iyo dhibaatada shantaan ruux  eedeeysanayaashaa ay u geysteen waxaana uu yiri G/sare Gadaar

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Taariikhdu markeey aheeyd 27/4/2017 waxaa na soo gaaray fal danbiyeed dhacay oo ahaa kufsi loo geeystay gabar yar oo aad u da’yar da’deeduna ay udhaxeeyso 15—16 sano jir, ayna faraxumeeyeen danbiilayaal ka kooban shan ruux oo u geystay kufsi iyo jirdil markeey intaas nasoo gaartay, isla markaana aan dabagal dheer ku sameeynay waxaa ciidanka dagmada galkacyo ay ku guuleeysteen in ay gacanta kusoo dhigaan shantii ruux oo ku kala eedeysan afar kufsiga iyo jirdilka u geystay iyo kii guriga falka lagu geystay iska lahaa ninka guriga iska lahaa magaciisu waa Maxamed Cali Cabdile 27 sano jir ah falka kufsigaa waxaa geystay Maxamed Cali Cilmi 17 sano jir ah Cabdirisaaq Iidle Maxamed 19 sano jir ah, Maxamed Raage Ducaale 20 jir ah iyo Deeq Maxamed Axmed 20 jir ah” ayuu yiri taliyaha qeybta booliska.

Taliyaha qeybta ayaa sidoo kale sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan maxkamad loo horgeyn doono, isagoo dhanka kalana digniin u jeediyay Odayaal
dhaqameedka doonaya in arintaan ay ka sama falaan isla markaana gabar yar oo Soomaaliyeed ay xaqqeeda duudsiiyaan waxaa sidoo kale G/sare
Sare Maxamed Nuur Cali ayaa ugu  baaqay   ehelada eedeysanayaasha in ka warsugaan go’aanka Maxakamada

Maahan markii u horeeysay oo ay ciidamada amaanka Galmudug Gacanta kusoo dhigaan dad geystay falal danbiyoodyo lid ku ah Ammaanka waxaana
haatan ku xiran xabsiga iyo saldhiga magaalada Galkacyo ku dhawaad 30 ruux oo isugu jira danbiilayaal xukuman iyo eedeeysanayaal maxkamad
sugayaal ah sida ay warbaahinta qaranka u xaqiiyiyeen saraakiisha ciidanka booliiska Fadaraalka soomaaliyeed ee ka howl gala Galmudug

W/D= Wariye  C/risaaq Maxamed Axmed (Galkacyo)

Previous Post

Maamulka Hirshabeelle oo qorsheynaya in dib u habeyn lagu sameeyo garoomada cayaaraha

Next Post

Guddoomiyaha gobolka oo dhagax dhigay waddado dib u dayactir lagu sameynayo-Sawirro

Next Post
Guddoomiyaha gobolka oo dhagax dhigay waddado dib u dayactir lagu sameynayo-Sawirro

Guddoomiyaha gobolka oo dhagax dhigay waddado dib u dayactir lagu sameynayo-Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In