Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuudย ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay ku guuleysteen soo qabashada Ragg buracad ah oo dhaawac iyo dhac ugu geeystay magaalada Boosaaso ee xarunta Goabalka Bari, qof shacab ah.
Ciidamada Booliska ayaa howlagalo sacadihii la soo dhaafay ay ka sameyeen duleedka magaalada Boosaaso ku soo qabtay laba nin oo burcad ah iyo gaari nooca raaxada ah oo ka diiwaan gashanaa dowladda hoose ee Boosaaso.
Taliyaha ayaa tilmaamay in labadan ninย ee la soo qabtay ay xiran yihiin islamarakana ay kuย socdaan baaritaano dheraad ah, waxaana goobta Gaariga ay ku soo bandhigayeen ciidamada Booliska goobjoog ka ahaa Saraakiil ka tirsan Booliska gobalka.


















