Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Booliiska Mareykanka oo baaraya wiil Soomaali ah oo weerar ka geystay Jaamacadda Columbus Ohio+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Booliiska Mareykanka oo baaraya wiil Soomaali ah oo weerar ka geystay Jaamacadda Columbus Ohio+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Booliska iyo Hay’adaha danbi baarista Mareykanka ayaa wali baaritaan ku haya hooygii uu magaalada Columbus Ohio ka daganaa Abdirizak Ali Artan oo ah 20 jir Soomaali ah islamarkaana weerar mindi loo adeegsaday ka gaystay jaamacadda Ohio State University.

Waxay Boliisku kaxaysteen dhamaan qoyskii Abdirizak oo ka koobnaa Hooyo iyo 6 caruur ah oo dhamaantood su’alo laga weydiinayay qofka uu abdirizak ahaa waloow in kabadan 10 saac la haystay hadana waa la soo fasaxay.

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Waxa uu Abdirizak ka yimid waxna ku soo bartay Dalka Pakistan waxa uu sida la sheegay ahaa qof aad u jecel waxbarashada, waxauuna kaalimaha koobaad ka gali jiray Imtixaanaadka, isaga oo ahaa shaqsi dhanka cibaadada ku wanaagsanaa sida ay noo xaqiijiyeen dad ay is yaqaaneen.

Naf ahaantiisa waxa uu ka mid ahaa ardada Jaamaca OSU oo uu sanadkii 2aad waday.

Hay’adda Cair oo ah hay’ad u doodda xaquuqda Muslimiinta Mareykanka ayaa shirjara’id oo ay si wada jir ah u qabteen jaaliyadda Soomaaliyeed waxa ay ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin dhacdadan iyo in dhacdooyinka noocan ah aysan ka tarjumayn Muslimka iyo dhaqanka suban.

Mas’uuliyiintii ka hadlay shirkan Jara’id ayaa sheegay in wali aan si cad loo qeexi karin sababta ku dhalisay falkan Abdirizak iyo in uu baaritaan socdo.

Hay’adaha Nabadsugidda, iyo kuwa danbi baarista  ama dabagalka ayaa jaaliyadda ka codsatay in ay kala shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa falalka noocan ah.

Dhacdadan waxay xanuun iyo hadal hayn ku abuurtay Mujtamaca Muslimiinta gaar ahaan Soomaalida oo awal ka wal walsanaa sida madaxweynaha dooran ee Mareykanku uu farta ugu fiiqay iyo halisaha dhalankara.

Dhacdadan waxay imaanaysaa xilli Soomaalida Mareykanku aad uga naxeen ugana war wareen natiiladii ka dhalatay Doorashadii ka dhacday Mareykanka oo uu ku soo baxya shaqsi si cad u muujiyay neceybka Soomaalida.

cartan1 cartan2 cartan3 cartan4 cartan5 cartan7

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Talyaaniga oo warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Soomaalia (Sawirro)

Next Post
Madaxweynaha Talyaaniga oo warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Soomaalia (Sawirro)

Madaxweynaha Talyaaniga oo warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Soomaalia (Sawirro)

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In