Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Booliiska Mareykanka oo baaraya wiil Soomaali ah oo weerar ka geystay Jaamacadda Columbus Ohio+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Booliiska Mareykanka oo baaraya wiil Soomaali ah oo weerar ka geystay Jaamacadda Columbus Ohio+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Booliska iyo Hay’adaha danbi baarista Mareykanka ayaa wali baaritaan ku haya hooygii uu magaalada Columbus Ohio ka daganaa Abdirizak Ali Artan oo ah 20 jir Soomaali ah islamarkaana weerar mindi loo adeegsaday ka gaystay jaamacadda Ohio State University.

Waxay Boliisku kaxaysteen dhamaan qoyskii Abdirizak oo ka koobnaa Hooyo iyo 6 caruur ah oo dhamaantood su’alo laga weydiinayay qofka uu abdirizak ahaa waloow in kabadan 10 saac la haystay hadana waa la soo fasaxay.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Waxa uu Abdirizak ka yimid waxna ku soo bartay Dalka Pakistan waxa uu sida la sheegay ahaa qof aad u jecel waxbarashada, waxauuna kaalimaha koobaad ka gali jiray Imtixaanaadka, isaga oo ahaa shaqsi dhanka cibaadada ku wanaagsanaa sida ay noo xaqiijiyeen dad ay is yaqaaneen.

Naf ahaantiisa waxa uu ka mid ahaa ardada Jaamaca OSU oo uu sanadkii 2aad waday.

Hay’adda Cair oo ah hay’ad u doodda xaquuqda Muslimiinta Mareykanka ayaa shirjara’id oo ay si wada jir ah u qabteen jaaliyadda Soomaaliyeed waxa ay ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin dhacdadan iyo in dhacdooyinka noocan ah aysan ka tarjumayn Muslimka iyo dhaqanka suban.

Mas’uuliyiintii ka hadlay shirkan Jara’id ayaa sheegay in wali aan si cad loo qeexi karin sababta ku dhalisay falkan Abdirizak iyo in uu baaritaan socdo.

Hay’adaha Nabadsugidda, iyo kuwa danbi baarista  ama dabagalka ayaa jaaliyadda ka codsatay in ay kala shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa falalka noocan ah.

Dhacdadan waxay xanuun iyo hadal hayn ku abuurtay Mujtamaca Muslimiinta gaar ahaan Soomaalida oo awal ka wal walsanaa sida madaxweynaha dooran ee Mareykanku uu farta ugu fiiqay iyo halisaha dhalankara.

Dhacdadan waxay imaanaysaa xilli Soomaalida Mareykanku aad uga naxeen ugana war wareen natiiladii ka dhalatay Doorashadii ka dhacday Mareykanka oo uu ku soo baxya shaqsi si cad u muujiyay neceybka Soomaalida.

cartan1 cartan2 cartan3 cartan4 cartan5 cartan7

 

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Talyaaniga oo warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Soomaalia (Sawirro)

Next Post
Madaxweynaha Talyaaniga oo warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Soomaalia (Sawirro)

Madaxweynaha Talyaaniga oo warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha Soomaalia (Sawirro)

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In