Booliska Turkiga ayaa gacanta ku dhigay ninkii loo heystay in uu ka dambeeyay weerarkii argagixiso ee lagu qaaday Kalaab ku yaala magaalada Istanbul hebeenkii sanadka cusub, kaasoo ay ku dhinteen 39 ruux, tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.
Ninkan oo u dhashay dalka Usbekistan magaciisa lagu sheegay Abdulkadir Masharipov, 34-jir ah ayaa laga soo qabtay xaafad ku taal duleedka magaalada Istanbul oo lagu magacaabo Esenyurt.
Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa ay boolisku wadeen howlgal lagu baadigoobayo ninkan, waxaana howlgalkaasi lagu soo xir-xiray dad kor u dhaafaya 40 ruux oo u badan dad ka agdhow ninkan ama xiriir la lahaa.
Booliiska ayaa mid ka mid ah guryaha ay baareen waxa ay ka heleen 150 kun oo dollar oo kaash ah, taas oo ay ku sheegeen boolisku in lagu bixin lahaaninkan iminka la qabtay.
Habeenkii sanadka cusub, abaarihii kowda iyo rubi (01: 15) ayuu ninkani waxa uu rasaas oodda uga qaaday dad ku sugnaa kalaabka lagu caweeyo ee Reina ee ku yaal magaalada Istanbul, waxaana uu halkaasi ku dilay 39 ruux oo u badan ajaanib.