Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Booliska Dalka Kenya oo Shaaciyay Sawirada 9-Qof oo Argagixiso ah

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Booliska Dalka Kenya oo Shaaciyay Sawirada 9-Qof oo Argagixiso ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa maanta shaaciyay sawirada 9-qof oo argagixiso ah,kuwaasi oo ay ku tilmaameen inay qatar ku yihiin ammaanka dalka.

Dowlada ayaa ku micneysan raggan in ay yihiin dhiig cabayaal hubeysan oo qatar ah.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Ciidamada booliska ayaa ka dalbaday shacabka in ay hay’adaha ammaanka ku soo war galiyaan warbixinada la xiriira soo qabashada raggaasi.

Ciidamada booliska ayaa sheegay Cabdifatax Abubakar Cabdi uu yahay ninka ugu muhiimsan 9-qof oo ay shaaciyeen sawiradooda.

Cabdifatax Abubakar Cabdi ayaa lala xiriirinayaa in uu ka dambeeyay weeraradii uu dhiiga badan ku daatay ee sanadkii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Mepeketoni ee gobolka xeebta.

Ciidamada booliska ayaa sheegay in Cabdifatax Abubakar Cabdi uu qorsheeynayo weeraro kale oo ka dhaca gobolka xeebta,iyadoo la rumeysanyahay in isaga iyo saaxiibadiisba ay ku dhuumaaleysanayaan keymaha Boni.

Magacayada kale oo ay booliska soo bandhigeen ayaa waxaa kamid ah Suleiman Mohamed Awadh, Abdalla Salim Marumu, Mohamed Abubakar Mohamed iyo Muumin Abdalla Muumin oo dhamaatoodba ka soo jeeda gobolka xeebta.

Hay’adaha ammaanka ayaa sidoo kale shaaciyay magaca Ismael Shosi Mohamed oo loo yaqaano Ismael Mmanga,kaasi oo maleeshiyaadka Al-shabaab u qaabilsan magaalada Mombasa.

Ismael Shosi Mohamed ayaa lala xiriirinayaa dilka Sheikh Mohamed Idriss iyo wadaado kale oo lagu dilay magaalada Mombasa ee caasimadda gobolka xeebta.

Magacyada kale oo ay shaaciyeen hay’adaha ammaanka dalka Kenya ayaa waxaa ka mid ah Hamisi Mwacheti oo loo yaqaano Rasta bilal, Mahir Khalid Riziki iyo Abubakar Majani.

Previous Post

Dibad bax looga soo horjeedo dhibaatadii shalay oo Gaarisa lagu qabtay

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In