Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Booliska oo gacanta ku dhigay eedeysanayaal dad dilay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Booliska oo gacanta ku dhigay eedeysanayaal dad dilay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo kaashanaya Hay’addaha Amaanka ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanayaal tiradoodu gaareyso 5 qof, kuwaas oo loo heysto inay dil u geysteen 4 muwaadin, dilalkaas ayaa ka kala dhacay degmooyinka kala duwan ee ka tirsan Gobolka Banaadir.

Shanta eedeysane ee gacanta lagu dhigay dembiyada dilka ahna loo heysto ayaa kala ah:

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

1: Eedeysane Dable Xoogga Daa’uud Bashiir Colow oo loo heysto dilka Marxuum Saciid Cabdi Muuse, dilkaas ayaa ka dhacay Dagmada Dharkeynley.

2: Eedeysane Alifle Xoogga Dalka Cabdiraxmaan Maxamed Cali iyo Eedeysane C/qaadir Maxamed Xasan oo dhaawac ah, labadaan eedeysane ayaa loo heystaa dil ay u geysteen Marxuum Aweys Xuseen Jeylani, dilkaas ayaa ka dhacay Dagmada Xamarjajab.

3: Eedeysane Maxamed Cabdi Maxamed waxaa loo heystaa dilka Cabdullaahi Abuuukar Yuusuf, wuxuuna dilkaasi ka dhacay Dagmada Deyniile.

4: Eedeysane Dable Yuusuf Cali Macoow waxaa loo heystaa dilka Marxuum Maxamed Axmed Nuur, dilkaaas ayaa ka dhacay Dagmada Heliwaa.

Booliska ayaa sheegay in dhammaan eedeysanayaasha dilalkaan geystay oo gacanta lagu hayo sida ugu dhaqsiyaha badan loo geyn doono maxkamada awooda u leh inay qaado kiiskooda.

FG: “Waxaa laga codsanayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada Muqdisho iyo hareeraheeda in ay lasoo wadaagaan Xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, hadii ay la kulmaan falal ammaanka lidi ku ah, waxaadna kala xiriiri kartaan 991,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay taliska booliska Soomaaliyeed.

Previous Post

Wasiirka Caddaaladda XFS oo ka tacsiyeeyay dil loo geystay muwaadiniin Turki ah

Next Post

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudubtay kulanka kama dambeysta ah ee tartanka (Final) “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudubtay kulanka kama dambeysta ah ee tartanka (Final) “SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudubtay kulanka kama dambeysta ah ee tartanka (Final) “SAWIRRO”

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In