Allaha u naxariistee waxaa Xalay Gurigiisa oo ku yaalla Xaafadda Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa ku geeriyooday Mujaajilliistihii weynaa ee Hoballada Waaberi Xuseen Xersi Caddib oo loo yaqaanna (Boon Xersi).
Ehelada marxuumka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inuusan jirin wax xanuun ah oo uu la jiifay Fannaanku, balse ay ku timid qaddarta Eebbe.
Mujaajilliiste Boon ayaa waxaa geeridiisa ka tacsiyeynaya dhammaan masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, iyagoo Alle uga baryay inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo.
Boon Xersi Bowdo gaab, ayaa sidoo kale ahaa Abwaan wax sameeyay Riwaayado ay ka mid tahay Ninba Tima Xamar oo haddana xiir.
Waxaana sidoo kale lagu xusuustaa Abwaanku Riwaayado door ah oo uu kaalin Libaax ku lahaa Jilistooda iyo soo jiidashada daawadayaasha.
Boon Xirsi wuxuu Fanka ku biiray Sannadkii 1974-kii, waxaana Riwaayaddii ugu horreysay ee uu ka qayb qaatay la oran jiray Jacayl waa kane ku aaway,ย oo uu lahaa Axmed Saleebaan Bidde, waxaanu Riwaayaddaana ku matalayey Dhakhtar (Dictor).
Allaha u Naxariisto Mujaajilliiste Boon Xersi, Innaa Lillaah wa inaa Ileyhi raajicuun.