Waxaa maanta axad ah magaalada Bosaaso ee Gobolka Barri laga furay Xarunta maaraynta iyo daryeelka covid-19 oo loogu talagalay in lagu daryeelo dadka uu haleelo caabuqa dilaaga coroonafayris.
Xarunta oo ah tii ugu horaysay oo laga helayo adeegyo dhamaystiran ee Puntland ayaa waxaa xariga wadajir uga jaray isuduwaha wasaarada caafimaadka Gobolka bari, Duqa degmada Boosaaso, taliyaha qaybta Gobolka iyo wasiiru dawlaha wasaaradda arimaha gudaha ee Puntland .
Waxaana dhammaan Masuuliyiinka dowladda iyo saraakiisha ciidamada ay bulshada deegaanka ugu baaqeen inay xarunta la soo xiriiraan si ummadda loo badbaadiyo cudurkaan halista ah ee covid-19.
Wasaaradda Caafimaadka dowlad-goboleedka Puntland ayaa diwaan gelisay guud ahaan tirade dadka uu soo ritay cudurkaan covid-19 deegaanada Maamulka Puntland 136 qof halka geeridu ay gaartay 5 ruux iyo sidoo kale 3 qof oo ka bogsootay.