Xalay ayaa Boosaaso laga uruuriyey lacag kor udhaafeysa 300.000 oo doolar (Saddex Boqol Oo Kun Oo dollar) waxaana lacagtan isku daray shacabka, Ganacsada, Xukuumada Puntland iyo shaqsiyaad kale taasi oo loogu gurmanayo dadkii ku dhaawacmay qaraxii Muqdisho iyo kuwii eheladooda ku waayey.
Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo Boosaaso kahadlayey ayaa dalbaday in loo gurmado Walaalaha dhibaatada kala kulmay qaraxii Soobe.
Sidoo kale,Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland c/laahi Cali Xirsi (Tima cadde) oo ka hadlay saameynta Qaraxa ayaa sheegay in loo baahan yahay dhaqaalo looga jawaabo si loo taageero dhaawacyada Cisbitaalada lagula tacaalayo.
Shirkadaha Ganacsiga, Shacabka magaalada iyo Ganacstada waxay weli wadaaan dadaalada loogu gurmanayo walaalaha dhibaatada ka soo gaartay Soobe ee 14-kii bishan dhacay.