Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Boqolaal qof oo ku dhaawacmay rabshadihii aftidii gobolka Catalonia ee Spain

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Boqolaal qof oo ku dhaawacmay rabshadihii aftidii gobolka Catalonia ee Spain
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dadka ku nool Gobolka Catalonia ee Dalka Spain ayaa inta badan haa u codeeyey aftidii la qabtay, iyadoo dhanka kale Dowladda ay si weyn uga soo hor jeedo talaabooyinkaasi.

Iyadoo Hoggaamiyaha gobolka Catalonia Mr Carles Puigdemont ayaa ku dhawaaqey in ay ku guuleysteen in ay ka madax banaanadaan  Spain inteedi kale waxaana dadka haa u codeeyey ay gaarayeen 90%.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Maxakamadda Dastuuriga ee Dalka Spain ayaa sharci daro ku tilmaantay talaabada lagu qabtay affiada, taasi oo intii ay socotay ay ka dhaasheen rabshado khasaarooyin dhaliyay.

Hoggaammiyaha Gobolkaasi aftidu ka dhacday ayaa sheegay in dhawaan loo gudbindoono arintaasi baarlamaanka maamulkaasi, isagoo xusay in mustaqbalka shacabka uu u yaalo baarlamaanka.

Duqa magaalda Barcelona ee dalka Spain ayaa sheegay in ugu yaraan afar boqol iyo lixdan qof ay dhaawacmeen ka dib markii booliska dalkaasi ay sameyeen howgal ballaaran oo ay ku joojinayaan afti dadka ku nool gobolkaasi ay ku doonayaan inay kaga go’aan Spain inteeda kale.

Laamaha ammaanka ayaa dadka ka hor istaagay inay gudaha u galaan goobaha cod bixinta, Kooxaha adeegyada deg dega ee gobolka Catalonia ayaa sheegay inay daaweyeen dad badan oo ku dhaawacmay rabshadaha u dhaxeeya booliska iyo dadka Catalonia

Booliska ayaa na la sheegay in rabshadahani ay u adeegsadeen rasaasta cinjirka,iyadoo Hogaamiyaha gobolka Catalonia Mr Carles Puigdemont uu tallaabadan ku tilmaamay mid sumcad xuma ku ah maamulka Madrid, waxaana uu sheegay in aysan marnaba ilaawi doonin ficilada ay sameyeen booliska.

Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha ee Spain ayaa Carles Puigdemont ku eedeeyay waxa uu ugu yeeray falkani micna darrada.

Carles Puigdemont ayaa ku baaqay in wadaxaajood lagu xaliyo khilaafka kala dhexeeya xukuumadda Madrid ee ku salaysan aftida madax bannaanida.

Puigdemont ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Faransiiska in natiija kasta oo kasoo baxda aftidani ay weli muhiim tahay inay wadahadal la galaan dowladda dhexe ee Spain.

Xukuumadda Madrid ayaa wacad ku martay in ay is hortaagi doonto afitida gobolka Catalonia.

Previous Post

Howlgal xalay laga sameeyay degmada Yaaqshiid

Next Post

Warbixin ku saabsan Kooxda Baambeyda iyo ahaqooyinka ay qabtaan “SAWIRRO”

Next Post
Warbixin ku saabsan Kooxda Baambeyda iyo ahaqooyinka ay qabtaan “SAWIRRO”

Warbixin ku saabsan Kooxda Baambeyda iyo ahaqooyinka ay qabtaan "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In