Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Boqolaal Qoys oo ka Barakacay Magaalada Baardheere kadib Fatahaad uu sameeyey webiga Jubba

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Boqolaal Qoys oo ka Barakacay Magaalada Baardheere kadib Fatahaad uu sameeyey webiga Jubba
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku dhowaad ilaa Seddex Boqol oo qoys oo ku noolaa ilaa Afar Xaafadood ee ku yaala degmada Baardheere una dhow hareeraha uu  maro webiga Jubba, ayay saameysay fatahaad uu sameyay webiga todobaadkan. Qaar badan oo kamid ah qoysaskaasi uu webigu ku fatahay ayaa ka baxay guryahooda oo ku biirey xaafado kale oo degmada ay ka degan yahiin Qaraabadooda,halka kuwa kalena ay  tageen dhulalka taagaga ah iyo meelaha ka baxsan dhulka uu webigu maro.Dadka ay fatahaaddu saameysay waxay markoodii hore la daalaa dhacayeen saameyn ay ku yeelatay abaartii iyo Roobabka da,ayey maalmahii la soo dhaafey oo keenay inay wadooyinka xirmaan,islamarkaana Maciishadu ay qaaliyowdo, Qoysaskan ayaa Waxay isugu jiraan,ganacsato yar yar, xoolo-dhaqato, beeraley iyo dad kale oo danyar ah,waxayna Fatahada webiga ay saameyn ku yeelatey Qaar ka mid ah Dugsiyadii Waxbarashada Degmada Baardheere .

Muumino Isaaq waa Hooyo 49 sanno jir oo  degan Xaafada Musawa,qoyskeeduna uu ka kooban yahay ilaa 7 ruux,waxayna labo maalin ka hor ay ka barakacdey gurigii ay deganayd xaafada oo u dhowaa webiga ,islamarkaan ay soo buux dhaafiyeen Biyaha webiga ,taasi oo keentay in ay u guurto Meel taag ah ,iyado iyo qoysas kale oo deris ay ahaayeen,waxayna ka cabanaysaa cunno la,aan, Hoy la,aan iyo waxbarashada Caruurteeda oo baaqatey.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026

”  Xaaladeenna nololeed ma wanaagsana waxaan ahay qoys danyar ah oo muddo ka badan ilaa 20 sanno deganaa Xaafadda Musawa ,webigana waxuu noo jirey wax ka yar ilaa 350 mitir aniga Iyo qoysas gaaraya ilaa 13 qoys  hal mar ayaa waxaa guryaha nooga soo buuxsamey biyaha webiga kala orod ayaa nagu dhacey,shaley iyo doraad ayaan ka baxney guryaheena meel taag ah ayaan isugu tagney oo wax naga horeeyana aysan jirin,ma haysano raashiin iyo hoy waxaa taasi noogu sii daran ilaa 3 caruur ah oo kala ah labo wiil iyo hal gabar ah oo sanadkan uu fariisan lahaa imtixaanada fasalada 8aad iyo fasalka afaraad ee dugsiga sare in ay naga baaqatey waxbarashadooda haddiii xaalada ay sidan ay ku sii socoto” sidaasi waxaa tiri Muumino Isaaq

Xuseen Cabdi Xalane oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka degmada Baardheere  ayaa sheegay in fatahaadan ay ku barakaceen dad ka badan ilaa 300 oo qoys, welina ay jirto cabsi kale oo la xiriirta fatahaado kale oo uu wabiga gaysto,waxuuna ugu baaqey dadka degan hareeraha webiga iyo Togaga biyo mareenada in ay feejignaadaan,waxuuna dhinaca kale ugu baaqay Dowladda, hay’adaha Samafalka iyo Jaaliyadaha Dibadda ee Soomaalida in gurmad bini’aadinimo ay la soo gaaraan qoysaska ka barakacay guryahooda.

Horey  ayaa digniin looga bixiyay suurtagalnimada in fatahaado ay geystaan Wabiyada Somaliya, waxaana loogu baaqay dadka hareeraha ka degan Wabiyada inay halkaasi ka fogaadaan, si uusan saamayn ballaaran ugu yeelan fatahaada Wabiga.

Previous Post

Eng Yarisow “Ka qeyb galka Cayaaraha heer Caalami ah waxay astaan u tahay soo noqoshada Dawladnimada Soomaaliya”

Next Post

Caalamka oo laga soo dhoweeyay kulankii madaxda 2-da Kuuriya

Next Post
Caalamka oo laga soo dhoweeyay kulankii madaxda 2-da Kuuriya

Caalamka oo laga soo dhoweeyay kulankii madaxda 2-da Kuuriya

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho.

January 28, 2026
0

Shirka 27-aad ee Wasiirrada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

Wasiirka Dekadaha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Turkiga.

January 28, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In