Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Boqolaal Qoys oo ka Barakacay Magaalada Baardheere kadib Fatahaad uu sameeyey webiga Jubba

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
Boqolaal Qoys oo ka Barakacay Magaalada Baardheere kadib Fatahaad uu sameeyey webiga Jubba
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ku dhowaad ilaa Seddex Boqol oo qoys oo ku noolaa ilaa Afar Xaafadood ee ku yaala degmada Baardheere una dhow hareeraha uu  maro webiga Jubba, ayay saameysay fatahaad uu sameyay webiga todobaadkan. Qaar badan oo kamid ah qoysaskaasi uu webigu ku fatahay ayaa ka baxay guryahooda oo ku biirey xaafado kale oo degmada ay ka degan yahiin Qaraabadooda,halka kuwa kalena ay  tageen dhulalka taagaga ah iyo meelaha ka baxsan dhulka uu webigu maro.Dadka ay fatahaaddu saameysay waxay markoodii hore la daalaa dhacayeen saameyn ay ku yeelatay abaartii iyo Roobabka da,ayey maalmahii la soo dhaafey oo keenay inay wadooyinka xirmaan,islamarkaana Maciishadu ay qaaliyowdo, Qoysaskan ayaa Waxay isugu jiraan,ganacsato yar yar, xoolo-dhaqato, beeraley iyo dad kale oo danyar ah,waxayna Fatahada webiga ay saameyn ku yeelatey Qaar ka mid ah Dugsiyadii Waxbarashada Degmada Baardheere .

Muumino Isaaq waa Hooyo 49 sanno jir oo  degan Xaafada Musawa,qoyskeeduna uu ka kooban yahay ilaa 7 ruux,waxayna labo maalin ka hor ay ka barakacdey gurigii ay deganayd xaafada oo u dhowaa webiga ,islamarkaan ay soo buux dhaafiyeen Biyaha webiga ,taasi oo keentay in ay u guurto Meel taag ah ,iyado iyo qoysas kale oo deris ay ahaayeen,waxayna ka cabanaysaa cunno la,aan, Hoy la,aan iyo waxbarashada Caruurteeda oo baaqatey.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

”  Xaaladeenna nololeed ma wanaagsana waxaan ahay qoys danyar ah oo muddo ka badan ilaa 20 sanno deganaa Xaafadda Musawa ,webigana waxuu noo jirey wax ka yar ilaa 350 mitir aniga Iyo qoysas gaaraya ilaa 13 qoys  hal mar ayaa waxaa guryaha nooga soo buuxsamey biyaha webiga kala orod ayaa nagu dhacey,shaley iyo doraad ayaan ka baxney guryaheena meel taag ah ayaan isugu tagney oo wax naga horeeyana aysan jirin,ma haysano raashiin iyo hoy waxaa taasi noogu sii daran ilaa 3 caruur ah oo kala ah labo wiil iyo hal gabar ah oo sanadkan uu fariisan lahaa imtixaanada fasalada 8aad iyo fasalka afaraad ee dugsiga sare in ay naga baaqatey waxbarashadooda haddiii xaalada ay sidan ay ku sii socoto” sidaasi waxaa tiri Muumino Isaaq

Xuseen Cabdi Xalane oo ah Madaxa Arimaha Bulshada Maamulka degmada Baardheere  ayaa sheegay in fatahaadan ay ku barakaceen dad ka badan ilaa 300 oo qoys, welina ay jirto cabsi kale oo la xiriirta fatahaado kale oo uu wabiga gaysto,waxuuna ugu baaqey dadka degan hareeraha webiga iyo Togaga biyo mareenada in ay feejignaadaan,waxuuna dhinaca kale ugu baaqay Dowladda, hay’adaha Samafalka iyo Jaaliyadaha Dibadda ee Soomaalida in gurmad bini’aadinimo ay la soo gaaraan qoysaska ka barakacay guryahooda.

Horey  ayaa digniin looga bixiyay suurtagalnimada in fatahaado ay geystaan Wabiyada Somaliya, waxaana loogu baaqay dadka hareeraha ka degan Wabiyada inay halkaasi ka fogaadaan, si uusan saamayn ballaaran ugu yeelan fatahaada Wabiga.

Previous Post

Eng Yarisow “Ka qeyb galka Cayaaraha heer Caalami ah waxay astaan u tahay soo noqoshada Dawladnimada Soomaaliya”

Next Post

Caalamka oo laga soo dhoweeyay kulankii madaxda 2-da Kuuriya

Next Post
Caalamka oo laga soo dhoweeyay kulankii madaxda 2-da Kuuriya

Caalamka oo laga soo dhoweeyay kulankii madaxda 2-da Kuuriya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In