Golaha sare Shuurada Ciidamada dalka Turkiga ayaa gaaray qaraar ay shaqada Ciidamada uga fariisinayaan 586 Sarkaal darajadoodu tahay Colonel, ka gadaal markii ay Goluhu kula isugu yimaadeen Caasimadda dalka Turkiga ee Ankara.
Sida ay soo warisay Wakaaladda Wararka Turkiga ANADOL, Saraakishaasi waxay isugu jiraan Ciidamada Dhulka, Badda iyo Cirka.
Bayaan ay soo saareen Golaha Sare Shhuurada Ciidamada Turkiga ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan uu asnsiyay Qaraaka ay gaareen Golahaasi.