Friday, May 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Boqortooyada Sacuudiga oo mashaariic waa weyn ka fulin doonta dalka-Sawirro

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Farmaajo oo Barlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan R/wasaaraha, kana hadlay safarkiisii Sacuudiga+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweyne Farmaajo oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay dalka aan walaalaha nahay ee boqortooyada Sucuudi Carabiya waxaana uu la kulmay boqor Salmaan Bin Cabdicasiis iyo labadiisa dhaxal suge isaga oo ka codsaday in ay dowladda Soomaaliya ka taageeraan dhinacyada horumarinta, kaabayaasha dhaqaalaha, qaadista xayiraadda ganacsiga xoolaha iyo gurmadka abaaraha.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026

Madaxweynaha oo warbaahinta kula hadlay xasfiiskiisa ayaa sheegay in dhammaan codsiyadii ay u bandhigeen dowladda Sucuudiga laga aqbalay,  isaga oo intaas raaciyay in Ra’iisul Wasaaraha magacaaban looga fadhiyo marka la ansixiyo kaddib inuu dhiso guddiyadii dhaqangelin lahaa qodobada la isla meel dhigay.

Qorshayaashii ay dowladda Soomaaliya hordhigtay Boqortooyada Sucuudiga waxaa kamid ahaa in la kabo miisaaniyadda dalka si loo bixiyo mushaaraadka ciidammada iyo shaqaalaha hey’adaha dowladda, dhismaha xarumo cusub oo ay hay’adaha Qaranku  ku shaqeeyaan, garoon diyaaradeed oo cusub, dib u dhiska waddooyinka laamiyada ah ee isku xira magaalooyinka dalka iyo  dib u hawlgelinta safaaraddii Boqortooyada Sucuudi Carabiya ay ku lahayd magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si faah-faahsan uga hadlay shakhsiyadda Ra’iisul wasaaraha uu dhowaan magcaabay Mudane Xasan Cali Kheyre iyo waxyaabaha uu ku doortay.

“Sidaad la socotaan, Ra’iisul wasaaraha aan magcaabay laba maalmood ka hor Xasan Cali Kheyre waa shakhsi leh aqoon maamul iyo mid bini’aadannimo,  isla markaana  ah ninka xilligaan la joogo ku habboon inaan wada shaqeynno, shacabka Soomaaliyeed uma baahna khilaaf ragaadiya madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, dadka Soomaaliyeedna waxaan u sheegayaa in aysan arrintaasi ka wel welin oo aan  afarta sanno ee soo socota aan wada dhammeysan doonno, waxaa ugu muhiimsan ee aan u doortay Xasan in uu yahay shaqsi aan aaminsanahay inuu  igula shaqeyn kara mabaadiideyda iyo ammaanada ummadda Soomaaliyeed, sidoo kalena aan ka wada qeyb-qaadan karno la dagaallanka musuq-maasuqa” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Qaranka, ayaa ka codsadey Barlamaanka Federaalka ee labada aqal ah in ay si dhaqsi leh Kalsoonidooda u siiyaan Ra’iisul wasaaraha uu magcaabay, isla markaana ay dowladda cusub ee la  soo dhisi doono garab istaagaan,  si loo dardargeliyo howlaha adag  ee hor yaalla dowladda, madaxweynaha ayaa intaa raaciyey in dhowaan Barlamaanka la geyn dooni miisaaniyad aad ugu ballaaran kuwii horey loo arki jiray, maadaama ay dowladdu heysato ballan-qaadyo waa weyn oo wax badan ku soo kordhin karna miisaaniyadda dalka, maadaama aysan jirin canshuur badan oo ay dowladdu ku shaqeyso xiligaan.

0J1A0384 0J1A0392 IB0A1176

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo Barlamaanka ka codsaday in ay ansixiyaan R/wasaaraha, kana hadlay safarkiisii Sacuudiga+Sawirro

Next Post

Dhgeyso Warka Subx Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhgeyso Warka Subx Ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

Ra’iisul Wasaare Xamsa: “Dadka reer Muqdisho diyaar uma aha in ay ka tanasulaan nabadda ay heystaan”

May 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho aysan diyaar u ahayn in ay ka...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh: Midnimada iyo wadajirka shacabka waa tiirka dib u dhiska Soomaaliya

May 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in midnimada shacabka Soomaaliyeed ay laf-dhabar u tahay geeddi-socodka dib...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo Baydhabo kula Dukaday boqolaal ruux

May 27, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shacab iyo masuuliyiin kula...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah la oogay saaladda Ciidda Carafo

May 27, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa boqolaal ka mid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In