Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bulshada Gobolka Galgaduud oo codsaday in dib loo soo celiyo adeegyadii bulshada “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 29, 2018
in Wararka
0
Bulshada Gobolka Galgaduud oo codsaday in dib loo soo celiyo adeegyadii bulshada “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareb ayna ay isugu yimaadeen qaybaha bulshada ee ka kala yimid Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Galgaduud aaya waxay ku codsanayeen in dib loogu soo celiyo Adeegyo Caafimaad oo ay horay u heli jireen balse bilihii la soo dhaafay uu hakad ku yimid kaddib markii sida la sheegay la hakiyey dhaqaalihii lagu bixin jiray kaa soo ka imaanayey Qaramada Midoobay.

 

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Qaar ka mid ah bulshada oo isaga kala yimid meelaha hada ay ka jirto baahida caafimaad ayaa waxa ay codsanayaan in dib loogu soo celiyo Adeegyadii ay horay u heli jireen, waxaana xusid mudan in deegaanno dhowr ah ay xirmeen xarumihii Caafimaad ee Dadku Adeegyada ka qaadan jireen waaana meelahaas ka mid ah Gadoon, Xanan-buure, Miir-jiicleey, Huurshe, Xeraale, Ceel-dheere, Laanle, Cali-xasan, Faragooy, Beer-cabdi-faarax iyo Higlaale kuwaasoo kawada tirsan Gobolka Galgaduud.

Axmed Salaad Kulmiye oo ka tirsan Shaqaalaha Hay’adda SWISSO ayaa waxa uu ka warbixinayay shaqaalihii shaqaynayey iyo sida hada dadka Gobolku ugu baahan yihiin Adeegyo Caafimaad.

Ugu Dambayn Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareb Macallin Nuur Cilmi Cabdulle ayaa waxa uu codsaday in Dadka loo soo fasaxo adeegyadii Caafimaad ee horay ay u heli jireen, maadaama baahidii wali loo qabo.

Hakadka ku imid bixinta Adeegyadii Caafimaad ayaa si wayn looga dareemayaa Gobolka Galgaduud waxaana Baahidaasi saamasay Bulshada oo ay ugu hureeyaan Haweenka iyo Caruurta.

By: Maxamed Cabdi

Previous Post

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare oo su’aalo weydiiyay Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal hambalyo ah u diray dhiggiisa dalka Turkiga

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo Umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Maalinta Calanka

Madaxweyne Farmaajo oo dhambaal hambalyo ah u diray dhiggiisa dalka Turkiga

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In