Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bulshada Soomaaliyeed ee Uganda ku dhaqan oo taageeray waxqabadka dowladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Bulshada Soomaaliyeed ee Uganda ku dhaqan oo taageeray waxqabadka dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda oo la hadlayay xafiiska Warbaahinta Qaranka Kampala ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ee uu horkacayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay sameysay waxqabad muuqda oo oo bulshada Soomaaliyeed indhahooda ku arkeen.

Cabdiwahaab Sheekh Ibraahin oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed oo Kampala dagan ayaa sheegay in Soomaaliya dowlad ka jirtay 8 Febraayo 2017 hasayeeshee uu jiray habacssnaan iyo dowladda oo aan u dhisnayn ciidan Qaran oo dalka cadowgabka difaaca, iyadoo hadda muuqato in ciidankii Xooga Dalka Soomaaliyeed maanta dib u habayn iyo tirakoob rasmi ah lagu sameeyay ayna heleen xuqiiqdii ay xaqqa u laheen.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Samadoon Cumar oo ka mid ah Soomaalida Uganda dagan ayaa sheegay dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay shaqada Qaran ee Dalka iyo Dadka u qabteen muddadii seddexdii sano ee shaqaynaysay, isagoo xusay in waxqabadka laga xusi karo guulaha ay kasoo hoysay xariirka Arrimaha Dibadda iyo in dowladda loo madax baneeyo howlaheeda gudaha.

Cabdifataax Cabdullaahi Xasan ayaa dhankiisa sheegay in Madaxweyne Farmaajo lagu xasuusan doono soo noolayntii iyo dib u dhiskii uu ku sameeyay goobahii taariikhiga ahayd sida taalooyinkii dhawaan Xamar laga hirgaliyay iyo in ilaa hadda aysan jirin shaqaale dowladda ah oo aan mushaar qaadan.

Canab Cabdullaahi  ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay waxqabadka muuqdo ee dowladdeena qabatay ee uu horkacayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, una rajaysay in inta u dhiman waxqabad intan ka badan sii qabato.

Ugu dambeyntii shacabkan oo aad u badan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa dhammaan u sheegay in ay dowladda aad ula dhacsan yihiin waxqabadka ay sameysay muddadii ay jirtay.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Kula Kulmay agaasimaha Guud ee UNESCO, Audrey Azoulay “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Shaqada oo tababar u soo xiray arday Soomaaliyeed oo ku nool dalka Uganda

Next Post
Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo ka daahfurey Caabudwaaq adeegyo lagu horumarinayo isticmaalka Teknolojiyadda “Sawirro”

Wasiirka Shaqada oo tababar u soo xiray arday Soomaaliyeed oo ku nool dalka Uganda

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In