Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bulshada Soomaaliyeed ee Uganda ku dhaqan oo taageeray waxqabadka dowladda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 11, 2020
in Wararka
0
Bulshada Soomaaliyeed ee Uganda ku dhaqan oo taageeray waxqabadka dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda oo la hadlayay xafiiska Warbaahinta Qaranka Kampala ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ee uu horkacayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay sameysay waxqabad muuqda oo oo bulshada Soomaaliyeed indhahooda ku arkeen.

Cabdiwahaab Sheekh Ibraahin oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed oo Kampala dagan ayaa sheegay in Soomaaliya dowlad ka jirtay 8 Febraayo 2017 hasayeeshee uu jiray habacssnaan iyo dowladda oo aan u dhisnayn ciidan Qaran oo dalka cadowgabka difaaca, iyadoo hadda muuqato in ciidankii Xooga Dalka Soomaaliyeed maanta dib u habayn iyo tirakoob rasmi ah lagu sameeyay ayna heleen xuqiiqdii ay xaqqa u laheen.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Samadoon Cumar oo ka mid ah Soomaalida Uganda dagan ayaa sheegay dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay shaqada Qaran ee Dalka iyo Dadka u qabteen muddadii seddexdii sano ee shaqaynaysay, isagoo xusay in waxqabadka laga xusi karo guulaha ay kasoo hoysay xariirka Arrimaha Dibadda iyo in dowladda loo madax baneeyo howlaheeda gudaha.

Cabdifataax Cabdullaahi Xasan ayaa dhankiisa sheegay in Madaxweyne Farmaajo lagu xasuusan doono soo noolayntii iyo dib u dhiskii uu ku sameeyay goobahii taariikhiga ahayd sida taalooyinkii dhawaan Xamar laga hirgaliyay iyo in ilaa hadda aysan jirin shaqaale dowladda ah oo aan mushaar qaadan.

Canab Cabdullaahi  ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay waxqabadka muuqdo ee dowladdeena qabatay ee uu horkacayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, una rajaysay in inta u dhiman waxqabad intan ka badan sii qabato.

Ugu dambeyntii shacabkan oo aad u badan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa dhammaan u sheegay in ay dowladda aad ula dhacsan yihiin waxqabadka ay sameysay muddadii ay jirtay.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Kula Kulmay agaasimaha Guud ee UNESCO, Audrey Azoulay “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Shaqada oo tababar u soo xiray arday Soomaaliyeed oo ku nool dalka Uganda

Next Post
Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta oo ka daahfurey Caabudwaaq adeegyo lagu horumarinayo isticmaalka Teknolojiyadda “Sawirro”

Wasiirka Shaqada oo tababar u soo xiray arday Soomaaliyeed oo ku nool dalka Uganda

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In