Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bulshada Soomaaliyeed oo muujisay in falalka argagixisada aysan ka reebi doonin booqashada Liido

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Bulshada Soomaaliyeed oo muujisay in falalka argagixisada aysan ka reebi doonin booqashada Liido
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka iyo dibadda ayaa si isku mid ah u muujiyay sida ay uga xunyuhuun weerarki argagixisadu ku xasuuqday dad Soomaaliyeed oo abriya ah kuwaasoo u nasasho tegay xeebto Liido.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa bilaawday inay bogagga Intarnetka ay ku soo qoraan farriimo ah inay sii wadi doonaan booqashada xeebta Liido ee magaalada Muqdisho kadib weerarkii Khamiistii oo lagu dilay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Baraha xiriirka bulshada ayaa la soo dhigay sawirrada boqolaal dad ah oo ku dabaalanaya xeebta, qaar kubbad ku cayaaraya iyo kuwo ku raaxeysanaya,  waxaayna bulshadu muujinayaan in aanay cabsi gelin doonin weerarradaasi oo dadku ay noloshooda sii wadan doonaan.

Dadka Soomaaliyeed ayaa dareenkooda ku muujiyay Bogagga Intarnetka, iyagoo ku tilmaamay falkii argagixiso ee ka dhacay Liido mid aan baqdin gelin doonin, kana reebi doonin iney sii wataan noloshooda caadiga ah, waxeyna isku guubaabinayaan iney usoo jeestaan sidii ay uga hortagi lahaayeen xasuuqa argagixisadu ku heyso shacabka Soomaaliyeed.

Wixii ka dambeeyay markii kooxda Shabaab laga saaray Muqdisho Shan sano ka hor,  Muqdisho waxa ay ku tallaabsatay horumarro dhinacyo kala duwan leh, iyadoo ay soo hagaagtay nolosha bulshada, taasina waxaa sabab u ah ciidamada ammaanka oo xaqiijiyay ammaanka caasimadda.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarki Liido taasoo marqaati cad  u ah in kooxdu  usoo jeesatay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed ee abriyada ah, iyadoo aysan jirin cid ay u turayaan caruur iyo ciroole.

 

Previous Post

Golaha ammaanka oo ammaanay jawaabta ay ciidamada ammaanku ka bixiyeen weerarki Liido

Next Post

Soomaaliya Shalay iyo Maanta “Faallo”

Next Post
Soomaaliya Shalay iyo Maanta “Faallo”

Soomaaliya Shalay iyo Maanta "Faallo"

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In