Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Bulshada Soomaaliyeed oo muujisay in falalka argagixisada aysan ka reebi doonin booqashada Liido

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Bulshada Soomaaliyeed oo muujisay in falalka argagixisada aysan ka reebi doonin booqashada Liido
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku kala nool dalka iyo dibadda ayaa si isku mid ah u muujiyay sida ay uga xunyuhuun weerarki argagixisadu ku xasuuqday dad Soomaaliyeed oo abriya ah kuwaasoo u nasasho tegay xeebto Liido.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa bilaawday inay bogagga Intarnetka ay ku soo qoraan farriimo ah inay sii wadi doonaan booqashada xeebta Liido ee magaalada Muqdisho kadib weerarkii Khamiistii oo lagu dilay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Baraha xiriirka bulshada ayaa la soo dhigay sawirrada boqolaal dad ah oo ku dabaalanaya xeebta, qaar kubbad ku cayaaraya iyo kuwo ku raaxeysanaya,  waxaayna bulshadu muujinayaan in aanay cabsi gelin doonin weerarradaasi oo dadku ay noloshooda sii wadan doonaan.

Dadka Soomaaliyeed ayaa dareenkooda ku muujiyay Bogagga Intarnetka, iyagoo ku tilmaamay falkii argagixiso ee ka dhacay Liido mid aan baqdin gelin doonin, kana reebi doonin iney sii wataan noloshooda caadiga ah, waxeyna isku guubaabinayaan iney usoo jeestaan sidii ay uga hortagi lahaayeen xasuuqa argagixisadu ku heyso shacabka Soomaaliyeed.

Wixii ka dambeeyay markii kooxda Shabaab laga saaray Muqdisho Shan sano ka hor,  Muqdisho waxa ay ku tallaabsatay horumarro dhinacyo kala duwan leh, iyadoo ay soo hagaagtay nolosha bulshada, taasina waxaa sabab u ah ciidamada ammaanka oo xaqiijiyay ammaanka caasimadda.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarki Liido taasoo marqaati cad  u ah in kooxdu  usoo jeesatay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed ee abriyada ah, iyadoo aysan jirin cid ay u turayaan caruur iyo ciroole.

 

Previous Post

Golaha ammaanka oo ammaanay jawaabta ay ciidamada ammaanku ka bixiyeen weerarki Liido

Next Post

Soomaaliya Shalay iyo Maanta “Faallo”

Next Post
Soomaaliya Shalay iyo Maanta “Faallo”

Soomaaliya Shalay iyo Maanta "Faallo"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In