Thursday, August 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Burkina Faso: Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada dalkaasi oo guul usaadaalinayo Madaxweyne Kabore.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Burkina Faso: Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada dalkaasi oo guul usaadaalinayo Madaxweyne Kabore.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne Roch Marc Christian Kabore ayaa shan sano oo kale u shaqeyn doona bulshada ย Burkina Faso, sida ku cad natiijooyinka hordhaca ah ee ay shaaciyeen guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka.

Newton Ahmed Barry, oo ah madaxa guddiga ayaa Khamiistii sheegay ย in Mr Kabore, oo helay 57.87 boqolkiiba codadkii la dhiibtay uu si ku meel gaar ah loogu doortay madaxweynaha Burkina Faso wareegii koowaad.

Related posts

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYBGALAY QALIN-JABINTA ARDAYDA MACHADKA DARAASAADKA AMNIGA

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYBGALAY QALIN-JABINTA ARDAYDA MACHADKA DARAASAADKA AMNIGA

August 12, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ญ๐š๐ซ

Kabore ayaa wacad ku maray khamiistii inuu xoojinayo wadahadalka ka socda dalkiisa ka dib guushii weyneyd ee uu ka gaaray tartankiisii labaad.

“Waxaan isugu geyn doonaa dhamaan dadaalkayga si wada tashi joogto ah iyo wadahadal loo gaaro ย lagana shaqeyo nabada iyo horumarka,” ayuu ka yiri Kabora.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa filayay in loolan adag uu ka dhici karo doorashadii Axadii dhexmartay Kabore iyo 12-kii kale wee la tartamayay, iyagoo ย ku doodayay inuu ku guuldareystay xakameynta kooxaha hubeysan iyo rabshadaha qowmiyadaha.

Hawsha codbixinta waxaa hareeyay hanjabaadyo iyo weerarro oo ay geysteen kooxo hubaysan oo xiriir la leh al-Qaacida iyo ISIL oo ka howlgala dhul ballaaran oo ka tirsan Burkina Faso iyadoo ay sii kordheyso xaaladda ammaan ee Galbeedka Afrika ee Sahel.

Sanadkii la soo dhaafay, iskahorimaadka waxaa ku dhintay ilaa 2,000 oo qof dalka Burkina Faso In ka badan hal milyan oo qof oo reer Burkinabe ah ayaa ku barakacay dagaalka.

Kabore wuxuu helay 1.6 milyan oo cod oo ah kudhowaad seddex milyan oo codbixin ah

Mucaaradka ayaa qaba in doorashada lagu shubtay oo aysan aheyn mid xalaal ah.

Laakiin murashaxa hogaaminaya, Eddie Komboigo, madaxa Congress-ka Dimuqraadiyadda iyo Horumarka, wuxuu helay 15 boqolkiiba halka ninka kale ee la tartamaya, Zephirin Diabre, oo ka socda xisbiga Progress and Change, oo uu ugu adkaaday Kabore intii lagu jiray doorashadii hore, uu helay qiyaastii 12 boqolkiiba.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay xisbiga talada haya dhaqamo xun, oo ay kujirto laaluush.

Hawsha “musuqmaasuq ayaa hareeyay” guddiga doorashooyinkana kama soo bixin howsha qabanqaabinta doorashooyinka ee ay mas’uulka ka ahaayeen, ayuu Tahirou Barry, oo ah musharrax ka tirsan mucaaradka.

Hase yeeshe, guddiga doorashada, ayaa iska fogeeyay sheegashooyinka noocaas ah waxayna kormeerayaasha caalamiga ah ay siiyeen doorashada dhacday mid lagu kalsoonaan karo

Mucaaradka ayaa heysta 7 maalmood oo ay racfaan uga qaataan codeynta balse ma cadda iya racfaan qaadan doonaan iyo inkale .

Midowga Afrika iyo Beesha Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika, oo ah urur goboleed, ayaa sheegay in rafcaannada loo soo maro waddooyinka sharciga ah iyo jawi deggan gaar ahaan in laga fogaado rabshadaha,” ayuu Makuza Bernard, oo hoggaaminayay wafdiga Midowga Afrika u sheegay Associated Press.

Ururada bulshada rayidka ayaa sheegaya in madaxweynaha looga baahan yahay inuu si adag uga shaqeeyo bulshada markiisii โ€‹โ€‹labaad si loo mideeyo wadan sii kala qeybsamaya.

โ€œWaa inuu hubiyaa in balanqaadyadii aan la fulin shantii sano ee la soo dhaafay la fuliyo si loo yareeyo jahwareerka bulshada, Dhibaatada bulshada kuma koobna oo kaliya magaalooyinka waaweyn sidoo kale waxay ku sii fidayaan baadiyaha, โ€Chrysogone Zougmore, oo ah madax Burkinabe oo ah koox u Dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadanaha ayaa u sheegay AP.

Ahmed Idris, oo ka soo warama= Abuja , ayaa sheegay in tilmaamtu tahay in mucaaradka ay damacsan yihiin inay ka hor yimaadaan natiijooyinka.

โ€œMarka suโ€™aasha ugu weyn ee Burkinabes inteeda badan waxay tahay ilaa intee ayey mucaaradku aadi doonaan. Ma waxay ugu baaqayaan taageerayaashooda in ay isugu soo baxaan waddooyinka Ouagadougou iyo magaalooyinka kale ee dalka ku yaal? โ€ Ayuu yiri.

โ€œQaar ka mid ah falaqeeya yaasha waxay rumeysan yihiin inay fursad u siinayso kooxaha hubaysan inay weeraraan bartilmaameedyada Burkina Faso, in kasta oo ay inta badan doorashadu si nabadgalyo ah ku dhacday iyadoo aysan dhicin wax dhibaato weyn ah ama weerar kaga yimaada mid ka mid ah kooxaha hubeysan ee dhibaatada ku hayay dalka shantii sano ee ugu dambeeysay. โ€

Tags: Burkina Faso: Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada dalkaasi oo guul usaadaalinayo Madaxweyne Kabore.
Previous Post

Wasiirka Haweenka ee XFS oo qaabishay ergayga gaarka ah ee dawladda norway ee Soomaaliya+Sawirro

Next Post

Kumanaan dadweyne ah oo ka qeyb-galay aaska R/W Hore ee Sudaan Saadiq Almahdi

Next Post
Kumanaan dadweyne ah oo ka qeyb-galay aaska R/W Hore ee Sudaan Saadiq Almahdi

Kumanaan dadweyne ah oo ka qeyb-galay aaska R/W Hore ee Sudaan Saadiq Almahdi

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYBGALAY QALIN-JABINTA ARDAYDA MACHADKA DARAASAADKA AMNIGA

MADAXWEYNAHA JFS OO KA QAYBGALAY QALIN-JABINTA ARDAYDA MACHADKA DARAASAADKA AMNIGA

August 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen in ka badan 500 oo...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ญ๐š๐ซ

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ช๐š๐š๐›๐ข๐ฅ๐š๐ฒ ๐ฐ๐š๐Ÿ๐๐ข ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐๐š๐ญ๐š๐ซ

August 12, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay wafdi ka socday Dowladda Qatar, oo uu hoggaaminayay...

Masโ€™uuliyiin ka qeybgashay janaasada iyo aaska Maareeyihii hore ee Dekedda Muqdisho

Masโ€™uuliyiin ka qeybgashay janaasada iyo aaska Maareeyihii hore ee Dekedda Muqdisho

August 12, 2026
0

Wasiirro, Xildhibaanno, Maareeyaha Dekedda Muqdisho, iyo maareeyayaashii hore ee soo maray Dekedda Muqdisho ayaa maanta magaalada Muqdisho kaga qeybgalay janaasada...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda Soomaaliya Oo Cambaareysay Aqoonsiga Kolombiya ee Madax-bannaanida Israaโ€™iil ee Buuraleyda Golan

August 12, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa goโ€™aanka ay Dowladda Kolombiya ay ku aqoonsatay sheegashada Israaโ€™iil ee ku aaddan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In