Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Buug ka hadlaya dhibaatada Soomaalida ku heysata ku ah South Africa oo lagu soo bandhigay Johannesburg-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Buug ka hadlaya dhibaatada Soomaalida ku heysata ku ah South Africa oo lagu soo bandhigay Johannesburg-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Buugaan oo loogu magacdaray dhageysashada codadka oo laga diyaariyay Soomaali u badan haween oo ku nool Koonfur Afrika ayna soo diyaarisay Hay’adda Action Support Center oo kaashaneysa Jaaliyadda Soomaali Community Board ayaa waxaa lagu soo bandhigay Johannesburg.

Related posts

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026
Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026

Madasha lagu soo bandhigayay Buugaan ka hadlayay Soomaalida K/Afrika ayaa waxaa lagu casuumay qaar ka mid ah Soomaalida ganacsatada ee Johannseburg ayadoo ay kasoo qeyb galeen mas’uul ka socday waaxda bixinta sharciyda (Home Affairs), Hay’adda JRS, Haweeney ka tirsan Ururka Haweenka Koonfur Afrika, qaar ka mid ah jaaliyaddaha la nool Soomaalida, mas’uuliyiin ka socday hay’adda Action Support Center iyo hogaanka jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa waxaa hadalo lagu dhiirigalinayay soo saarida buugaan ka jeediyay xubnihii ka soo qeybgalay.

Gudoomiye kuxieenka Jaaliyada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika, Cabdullaahi Bashiir Mahdi, oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulanka  sheegay in buugaan ay ku jiraan qisooyin xanuun badan.

” Buugaan waxaa iska kaashaday soo saaristiisa Somali Community Board iyo ha’adda Action Support Center intii aan wadnay qoraalka Buugaan waxaan la sheekeysanay Wariyaal Soomaaliyeed,Haween iyo dad kale waxey ka sheekeeyeen Qisooyin xanuun ku reebay quluuubtooda” ayuu yiri C/laahi  Gaab.

Gudoomiyaha xaafada Soomaalida kaga nooshahay magaalada Johannesburg ee Mayfair mudane Jerry Musesi oo ka hadlay munaasabadii lagu soo bandhigayay buugaan laga qoray dhibaatooyinka Soomaalida ay dalkooda iyo Koonfur Afrika kula kulmeen ayaa sheegay in buugaan ay ku faafin doonaan goobaha ay dadka Koonfur Afrikaanka ah ku kulmaan si ay u ogaadaan in dadka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin kasoo carareen ee aysan dhaqaalo doon aheyn.

Buugaan ay soo bandhigeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika iyo hay’adda Action Support Center ayaa ka mid noqonaya buugaag horay looga qoray Soomaalida qurba joogta ah ee iyagu gudaha Soomaaliya dhibaatooyin ay uga soo carareen ay haddana kuwo kale oo ka daran ku qabsadeen wadamadii ay tageen oo ay South Africa ka mid tahay.

13413496_1010695692370939_4809086159070281968_n 13413678_1010695919037583_8733717277377312698_n 13417443_1010696102370898_3220383696639910456_n 13417623_1010696322370876_5612730938735841890_n 13423761_1010696182370890_5883130660398339366_n 13432305_1010696299037545_6922985775958590071_n 13450200_1010696292370879_3107375991239089928_n 13450267_1010696212370887_2791106301076829808_n 13450275_1010696085704233_1823968833522186013_n 13450307_1010696405704201_1732385241702603682_n 13466475_1010696419037533_2865449297201715661_n 20166196360192756474675081ce533cd-9e9a-4266-bdc7-3eda0999aa74

WD: C/qaadir Axad-Johannseburg

Previous Post

Tababare Soomaali ah oo Spain lagu xirey

Next Post

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kulan la qaatay qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan Cadaado

Next Post
Wasiirada Galmudug oo ansixiyay qodobo muhiim ah-Sawirro

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kulan la qaatay qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan Cadaado

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha 4-aad ee UNESCO...

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026
0

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl Maslax Maxamuud Maxamed, ayaa gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud, halkaas...

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

September 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania Maxamed Waled Sheeikh Alqazwaani ayaa ka guddoomay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtar...

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In