Isbitaalka Hadiya ee Degmada Caabudwaaq waxaa jiifa bukaano qaba xanuunka Shuban Biyoodka Waxaa inta badan dadkaan uu kusoo ritay xanuunka baadiyaha xili ay joogeen deegaanada miyigi ah waxaana wehliya tiro dad ah oo yar oo xanuunku uu ku helay gudaha Magaalada Caabudwaaq sida ay ii sheegeeen dhaqaatiirta daweynaysa bukaanadan oo aan kula kulmay Xili ay ku jireen daweeynta dadka xanuunsan.
Faarax Axmed Cabudllaahi waa Maamulaha Isbitaalka Hadiya waxaa uu sheegay in ku dhow 10 Qof u dhinteen Cudurka.
Shiikh Burhaan Cabdullaahi jaamac oo kamdi ah culumaa”udiinka Ahlusunna ee Degmada Caabudwaaq ayaa dadka bukaanada ee jiifa isbitaalkan iyo gooba kale waxaa ay gaarsiiyeen deeq ka kooban raashin oo ay soo dirtay Dawladda dhexe.
C/kariiin Axmed Bulxan
Caabudwaaq