Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 months ago
in Wararka
0
Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cali Xoosh, ayaa ka hadlay munaasabadda xarig-jarka xarunta dhexe ee Wasaaradda oo ku taalla degmada Boondheere. Waxa uu sheegay in xaruntan ay muddo 34 sano ah hoy u ahayd qoysas barakacayaal ah, halka Wasaaradduna ay ku shaqaynaysay xarumo ay hay’ado kale lahayeen.

“Waxaan halkan uga mahadcelinayaa qoysaskii Soomaaliyeed ee deggenaa xaruntan, kuwaas oo si garasho, isxilqaan iyo mas’uuliyad leh uga guuray markii ay arkeen in Wasaaraddu u baahatay dhulkeedii.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa dadaallada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha XFS, mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiirkii hore ee Wasaaradda, Ambassador Axmed Macallin Fiqi, maamulka Gobolka Banaadir iyo dhammaan mas’uuliyiintii ka qeyb qaatay dib-u-soo celinta xaruntan oo baahi weyn loogu qabay adeegga dowladda. Waxaan sidoo kale uga mahadcelinayaa dalalka iyo hay’adihii nagu taageeray, sida Norway, Switzerland iyo hay’adda SSF,” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dib-u-howlgelinta xaruntan ay astaan u tahay horumarka ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka sameeyeen dib-u-dhiska hay’adaha qaranka.

“Maanta, dib-u-howlgelinta xaruntan waxay marqaati u tahay dadaalka joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan dib-u-dhiska hay’adaha qaranka, nabadeynta, federaaleynta iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale xoojinaysaa dowladnimada iyo soo celinta bilicdii iyo karaamadii xarumaha dowladda.

Laga bilaabo maanta, shacabka Soomaaliyeed waxay xaruntan ka heli doonaan adeegyo muhiim ah oo ay baahi weyn u qabeen, halka shaqaalaha Wasaaradduna ay ku shaqayn doonaan jawi wanaagsan oo dhiirrigelinaya hufnaanta iyo tayada adeegga,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.

Previous Post

Taliyaha Hay’adda NISA oo Balanballe ka dhagax dhigay saldhig cusub oo Hay’adda ah

Next Post

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Next Post
Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In