Wednesday, July 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 weeks ago
in Wararka
0
Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cali Xoosh, ayaa ka hadlay munaasabadda xarig-jarka xarunta dhexe ee Wasaaradda oo ku taalla degmada Boondheere. Waxa uu sheegay in xaruntan ay muddo 34 sano ah hoy u ahayd qoysas barakacayaal ah, halka Wasaaradduna ay ku shaqaynaysay xarumo ay hay’ado kale lahayeen.

“Waxaan halkan uga mahadcelinayaa qoysaskii Soomaaliyeed ee deggenaa xaruntan, kuwaas oo si garasho, isxilqaan iyo mas’uuliyad leh uga guuray markii ay arkeen in Wasaaraddu u baahatay dhulkeedii.

Related posts

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

July 21, 2026
Taliyaha Ciidanka Badda oo  Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

Taliyaha Ciidanka Badda oo Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

July 21, 2026

Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa dadaallada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha XFS, mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiirkii hore ee Wasaaradda, Ambassador Axmed Macallin Fiqi, maamulka Gobolka Banaadir iyo dhammaan mas’uuliyiintii ka qeyb qaatay dib-u-soo celinta xaruntan oo baahi weyn loogu qabay adeegga dowladda. Waxaan sidoo kale uga mahadcelinayaa dalalka iyo hay’adihii nagu taageeray, sida Norway, Switzerland iyo hay’adda SSF,” ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dib-u-howlgelinta xaruntan ay astaan u tahay horumarka ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka sameeyeen dib-u-dhiska hay’adaha qaranka.

“Maanta, dib-u-howlgelinta xaruntan waxay marqaati u tahay dadaalka joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan dib-u-dhiska hay’adaha qaranka, nabadeynta, federaaleynta iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale xoojinaysaa dowladnimada iyo soo celinta bilicdii iyo karaamadii xarumaha dowladda.

Laga bilaabo maanta, shacabka Soomaaliyeed waxay xaruntan ka heli doonaan adeegyo muhiim ah oo ay baahi weyn u qabeen, halka shaqaalaha Wasaaradduna ay ku shaqayn doonaan jawi wanaagsan oo dhiirrigelinaya hufnaanta iyo tayada adeegga,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.

Previous Post

Taliyaha Hay’adda NISA oo Balanballe ka dhagax dhigay saldhig cusub oo Hay’adda ah

Next Post

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Next Post
Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

July 21, 2026
0

Xubno ka tirsan Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta olole ballaaran oo ku aadan doorashooyinka qof iyo codka...

Taliyaha Ciidanka Badda oo  Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

Taliyaha Ciidanka Badda oo Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

July 21, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar ayaa magaalada Rabat ee Dalka Marocco kaga qayb galay...

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Ciidamada dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka...

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026
0

Masuuliyiin ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho uga qaybgalay tababar ku saabsan dhisidda adkeysiga dhaqaale...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In