Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho oo bilic qurux badan la soo baxday

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Isbadelka cusub ee caasimadda Soomaaliya (Daawo Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waa horraanta sannadka 2015-ka, Soomaaliya oo dhan ayaa waxa ay hiigsaneysaa horumar dhinacyo badan leh, kaas oo hannaankiisu masuul ka yahay dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada beesha caalamka.

Caasimadda Soomaaliya waa xudunta Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, waa halka kulmisa dhammaan dadka Soomaaliyeed oo mideysan, muuqaalka horumarinneed ee ka socda caasimadda ayaana ka turjumaya midka guud ee waddankeena ka socda, taas oo rajo weyn ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibedda ku nool.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Wax ka yar afar sannadood, ayeey caasimadda ku sameysay horumar muggiisu weyn yahay, waxaana dib u soo laabtay si awood badan ganacsiga, adeegga bulshada iyo  dhismaha guud oo isugu jira, waddooyinka Laamiga ah, hoteellada, guryaha magaalada iyo xarumaha dowladda Soomaaliya, taas oo si horu dhac u bilowdey in Dalxiis loo yimaado Muqdisho, waxaana arrintaas ay dhiiragelisay dadaalka dowladda ee ku aaddan dhismaha waddanka guud ahaan.

Caasimadda muddo is xigta waxaa lagu martigaliyey shirka wasiirrada Arrimaha Dibedda IGAD kaddib madaxweynaha dalka Turkiga oo uu dalkiisu ka mid yahay wadamada adduunka ugu horumarsan ayaa booqasho ku yimaadey, taas oo noo furtay waddo cusub oo aan ku hanan karno hiigsashada caasimad la tartami karta kuwa dhiggeeda ah.

Sawirrada muuqaalkoodu idiin muuqdaan waa habeennimadiii Talaadada ee ay Arbacada soo galeysay, waxaana ay ku galinayaan dareen cusub oo caasimaddeena ka turjumaya.

 

Previous Post

MUUQAAL-Kulan looga hadlayay Waxqabadkii Wasaarada Macdanta oo Muqdisho lagu qabtay{SAWIRRO}

Next Post

R/Wasaare Cumar oo ku baaqay joojinta dagaalka Degmada Guriceel.

Next Post
RW Sharma’arke:  “Dagaallada ku soo noq-noqday Deefow iyo Xarardheere waa kuwo aan loo qiil dayi karin”

R/Wasaare Cumar oo ku baaqay joojinta dagaalka Degmada Guriceel.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In