Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Caawi Qoyska Wiilkii caseeyaha ahaa ee ku dhintay Musiibadii Soobe

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Caawi Qoyska Wiilkii caseeyaha ahaa ee ku dhintay Musiibadii Soobe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Catar Sheekh Ibraahim Gaabow  waxaa uu ahaa will yar oo caseeye ah, waxaa uuna  xirfadaas kaga shaqeenayay Hotelka Safaari ee magaalada Muqdisho, waxaa intaas u dheereed waxaa uu ahaa qofka kaliya ee Gogla Saliyada Salaada lagu tukado ee Majidka Hotel Safari, Saliyadaas oo ay ku tukan jireyn dhammaan macaamiisha Hotelka degan ama timaada.

Allaha unaxariistee waxaa uu ka mid ahaa dadkii ku dhintay Qaraxii Soobe ka dhacay, xilliga uu dhimanayay waxa uu ku mashquulsanaa dhigidda Saliyada Masjidka Maadaama la gali rabay Salaadii Casir.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026

Waxaana uu ifka kaga tegay Labo carruur ah iyo Hooyadood oo hadda Xaamilo ah kuwaas oo ku noolaa masruufka uu ka heli jiray shaqadiisa xirfada caseeyenimada ah, waxaa intaas dheer in sidoo kale Gurigiisa ay ku noolaayeen Sodohdiis iyo caruur ay dhashay iyaga oo daganaa xero barakac oo ku taala xaafada Weydow ee duleedka Muqdisho.

Khadiijo Aadan oo ah Xaaska Catar waxa ay inoo sheegtay in Catar uu ahaa qof dabeecad wanaagsan oo aysan si aad ah uga walwali jirin carruurteeda laakiin hadda waxa ay inoo sheegtay in aysan aqoon meel ay wax ka bilowdo.

Allaha u naxariistee Catar iyo qoyskiisa ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadkii ay abaartu ka soo barakicisay deegaanadoodii oo hadda ma haystaan meel ay u laabtaan waxaana xaalad nolol xumo ku haysataa xaafadda weydow.

“Waxa uu kasoo helo shaqadiisa ayaan iimaansan jirnay, inta ay noo noqoto suurtagal ma ahayn in aan saddaxda waqti wax cunno, laakiin kama fakari jirin cabsi ah in aan baahi u dhimano, laakiin hadda sidii uu u dhintay dab lagama shidin gurigeena” ayay tiri Khadiijo Aadan oo ilmeyneysa.

Hooyada dhashay Khadiijo oo ah Catar Sodohdiisa ayaa sidoo kale noo sheegtay in Catar uu xanuunsanaa Maalintii uu geeriyoonayay, waxa ayna intaas raacisay in subixii ay ka codsatay in uu shaqada ka joogo inta xaalkiisu uu is badalayo laakiin Catar oo shaqadiisa aad u jeclaa dareemayana mas’uuliyadda saran ayaa diiday in uu seexdo.

Qoyskan oo hadda ku sugan xaalad adag ma jiro gurmad gaaray laakiin wali ma aysan rajo dhigin in ay bulshada Soomaaliyeed iyo cidkasta oo beni’aadanimada tixgelisaba caawimaad u fidiso, qofkii raba in uu caawiyo waxa uu la xiriiri karaa 00252612024287 oo laga helo Qadiiji Aadan oo ah Xaaskii Catar uu ka dhintay.

W/Q: Cabdifataax Arizona

Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Al-Shabaab “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In