Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cabsi laga muujiyay shirka Nukliyeerka ee Iiraan iyo Mareykanka

caqiil by caqiil
6 years ago
in Wararka
0
Cabsi laga muujiyay shirka Nukliyeerka ee Iiraan iyo Mareykanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

In kasta oo aad loo soo dhaweeyay wada hadalka dib u soo nooleynta heshiiskii nukliyeerka haddana waxaa jira shaki  laga muujinaayo mira-dhalka wadahadalka.

Ergeyga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan wada xaajoodka Nukliyeerka, Robert Malley, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, shalay wuxuu ku yiri: “kulanka Vienna ee la qorsheeyay inuu qabsoomo todobaadka soo socda waa talaabadii ugu horeysa ee loo qaaday soo nooleynta heshiiska Nukliyeerka Iiraan, laakiin wada hadalada way adkaan doonaan.”

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Agaasimaha Hay’ada Tamarta Atomiga ee Iiraan, Cali Akbar Saalixi, ayaa dhankiisa ku sheegay hadal uu ka jeediyay habeenimadii Jimcaha Aaladda “Clubhouse” in wadahadalada farsamo ee la qorsheeyay in talaadada soo socota ay furmaan ayaa ka digay halista laga filan karo dhinacyada ka qeyb galaaya shirka.

Waxuu intaas ku daray in wada hadalkii khadka tooska ah ku dhexmaray wakiilada Jarmalka, Faransiiska iyo Ingiriiska, oo lagu daray Shiinaha, Ruushka iyo Iiraan, uu ahaa mid jabiyay ismari waagii hore ee hortaagnaa wada hadalka Nukliyeerka.

Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa dhawr jeer lagu eedeeyay ku xadgudubka heshiiskii horay looga gaaray Nukliyeerka iyo falal  la xiriira ku xadgudubka xuquuqda aadanaha, waxaana la saadaalinayaa in wadahadaladan ay hormuudka u yahiin Iiraan iyo Mareykanka aysan noqon doonin mid ka  fudud Labada dhinac.

Previous Post

Heerarkii uu soo maray shirka Golaha wadatashiga Qaran ee dhamaystirka doorashooyinka dalka

Next Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo ka waramay  jabkii Ciidamada ay u geysteen argagixisada

Next Post
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo ka waramay  jabkii Ciidamada ay u geysteen argagixisada

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo ka waramay  jabkii Ciidamada ay u geysteen argagixisada

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In