Maamulka Degmada Cadaado oo kaashanaya maamulka Galmudug Iyo Midowga Yurub ayaa dhisay gurigan oo ey ku shaqeyn doonto. Maxkamada Cadaado oo horrey ugu shaqeyn jirtay Saldhiga Degmada Cadaado .
Dhismaha xarunta Maxkamada oo dhawaan lasoo gabagabeeyay ayaa dabayaqadii Bishii hore lagu wareejiyay maamulka Degmada Cadaado Iyo Gudoonka Maxkamad Degmada Cadaado.
U jeedka loo dhisay xuruntaan ayaa ah in maxkamada yeelato goob loogu soo haggaago. waxaan halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Maxkamada Degmada Cadaado Cabdi Cabdi Ciise Cali, Iydoo ey Goobjoog ahaayeen Garsoorayaal Cabdi Rshiid Cabdulaahi Maxamud Iyo Kaaliyaha Maxkamada Degmada Cadaado Daahir Salaad Maxamed.