Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cadaado oo laga taageeray Golaha Wasiirada

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Cadaado oo laga taageeray Golaha Wasiirada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan lagu taageerayay dhismaha golaha Wasiirada ayaa lagu qabtay magalada Cadaado ee gobolka Galgaduud kaasi oo ay isgu yimaadeen qeybaha bulshada ee halkaasi ku dhaqan, isla markaana uu soo qaban qaabiyay Maamulka Ximan iyo Xeeb.

Shirka oo ay ka qeyb galeen Xubno ka tirsan Golaha fulinta ee Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo qeybaha bulshada degmadaasi ku dhaqan ayaa lagu taageeray golaha Wasiirada cusub ee uu dhawaan soo magacabaay Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Qaar ka mid ah qeybaha bulshada oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa kula dar daarmay Golaha Wasiirada inay xoojiyaan qorsheyaasha xukuumadda horyaalla oo ay dalka gaarsiiyaan horumar dhinacyo badan leh.

Wasiirka Arrimaha bulshada ee maamulka Ximan iyo Xeeb Cumar Maxamed Diiriye oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in lagu gudo jiro xilli xasaasi, loona baahanyahay in baarlamaanka uu meel mariyo gola wasiirada, si ay u dar dargeliyaan howlaha dowladda horyaalla oo ay ugu horeyso hirgelinta Nidaamka Federaalka ah iyo hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka.

“Waxaan mudanayaasha baarlamaanka ka codsaneynaa inay meel mariyaan xubnaha golaha Wasiirada cusub ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, si loo gaaro hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka iyo in guud ahaan dalka oo dhan ay ka dhacdo doorasho xor ah” ayuu yiri Cumar Maxamed Diiriye.

Previous Post

Dabeylo xoogan oo ku dhuftay deegaanka Raage Ceelle

Next Post

Guddoomiye Muungaab oo xariga ka jaray xarun caafimaad oo laga hirgeliyay degmada C/casiis “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiye Muungaab oo xariga ka jaray xarun caafimaad oo laga hirgeliyay degmada C/casiis “SAWIRRO”

Guddoomiye Muungaab oo xariga ka jaray xarun caafimaad oo laga hirgeliyay degmada C/casiis "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In