Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cali Jeyte oo ugu baaqay shacabka inay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Cali Jeyte oo ugu baaqay shacabka inay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Uqaybsanaha xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee arrimaha ciidanka deegaanka mudane Cali Jeyte oo la hadlay Warbaahinta ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaar-garoobaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Mudane Cali Jeyte ayaa sheegay in la joogay xilligii la’iska dulqaadi lahaa Khawaarijta, isaga oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri, “Ciidanka iyo Shacabka Soomaaliyeed waxa aan ka codsanayaa in loo istaago sidii dalka looga saari lahaa Nimanka dhiigga Beni’aadanka caadaystay.”

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

Sidoo kale uqaybsanaha xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee arrimaha ciidanka deegaanka ayaa ciidanka Macawiisleyda ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, kaas oo hadda ka socda guud ahaan dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii shalay waxa uu Mudane Cali Jeyte Cismaan u magacaabey in uu noqdo u qeybsanaha xafiiska Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha (Macawisleyda) ee Soomaaliya.

 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa “Xukuumadda waxaa ka go’an dhiirigelinta Waxsoosaarka Dalkeenna”

Next Post

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo muwaadin Soomaaliyeed ku wareejisay dhul laga heystay

Next Post
Maxkamadda Gobolka Banaadir oo muwaadin Soomaaliyeed ku wareejisay dhul laga heystay

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo muwaadin Soomaaliyeed ku wareejisay dhul laga heystay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In