Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Cariif oo Akhrinaya Kitaabkii Alle ayay toogteen cadowgu

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Cariif oo Akhrinaya Kitaabkii Alle ayay toogteen cadowgu
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waa Kitaabkii Alle ee uu akhrisanayay Allaha u naxariistee Nabaddoon Ibraahim Cariif oo ay shalay galab masjid ku yaalla Xaafadda Juungal ku dhex toogteen argagixisada Al-Shabaab ee ayaanka daran.

Waa kitaabkii Alle iyo Aayadihii Qur’aanka oo rasaas lala dhacay.

Waa kitaabkii Alle iyo Aayadihii Qur’aanka oo rasaas lala dhacay.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Labo ka mid ah kuwa ugu ayaanka daran khalqiga eebbe ayaa  gudaha masjidka ugu soo galay Nabaddoon Cariif oo maalmihii tagay masjidka ugu jiray ictikaaf, isagoo maalin kasta akhrin jiray Rubuc ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah.

Mid ka mid ah ayaa isku dayay in uu toogto marxuumka, laakiin waxaa u dhici waysay bastooladdii uu watay. Kii labaad ayaa kabihiisii la soo galay masjidka ka dibna toogtay Nabaddoon Ibraahim Cariif, isagoo sidoo kalena dhaawacay  nin oday ah oo isku dayay in uu la hadlo oo uu ka waaniyo falka xun  ee ay ku kacayaan.

Halkan waxay  kooxda ayaanka daran ee Al-Shabaab ku geystay dambiyo oo aan kala culeys yareyn.

Waa mide waxay dishay ruux muslim ah, Soomman, waayeel ah, kana mid ah birimageydada.

Waxay  dishay oo ruuxdiisa goysay isagoo ku jira beydkii Alle oo akhrinaya kalaamkii Alle.

Waa saddexe  waxay toogatay oo rasaas ku dhaawacday Kitaabkii Alle.

Waxay kooxda habowsani falkan ku kacday iyadoo ay tahay bil Ramadaan weliba lagu guda jiro tobanka dambe ee bisha Ramadaan.

Intaas oo dhanna waxaa ka sii daran in ay ku faantay oo aaminsan tahay in xumaanta intaas la eg Alle loogu dhowaado.

Maalinba maalintaka dambeysa Al-Shabaab waxay ku kacayaan wax kasta oo Islaamku xarrimay, waxayna weerar ku yihiin wax kasta oo uu xitaa ku jirto Kitaabka Ilaahey.

Previous Post

Dowladda Holland oo aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga ah

Next Post

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u soo gudbay wareegga 4aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u soo gudbay wareegga 4aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u soo gudbay wareegga 4aad ee tartanka "SAWIRRO"

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In