Wednesday, July 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Cariif oo Akhrinaya Kitaabkii Alle ayay toogteen cadowgu

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 27, 2019
in Maqaallo, Wararka
0
Cariif oo Akhrinaya Kitaabkii Alle ayay toogteen cadowgu
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waa Kitaabkii Alle ee uu akhrisanayay Allaha u naxariistee Nabaddoon Ibraahim Cariif oo ay shalay galab masjid ku yaalla Xaafadda Juungal ku dhex toogteen argagixisada Al-Shabaab ee ayaanka daran.

Waa kitaabkii Alle iyo Aayadihii Qur’aanka oo rasaas lala dhacay.

Waa kitaabkii Alle iyo Aayadihii Qur’aanka oo rasaas lala dhacay.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

Labo ka mid ah kuwa ugu ayaanka daran khalqiga eebbe ayaa  gudaha masjidka ugu soo galay Nabaddoon Cariif oo maalmihii tagay masjidka ugu jiray ictikaaf, isagoo maalin kasta akhrin jiray Rubuc ka mid ah Qur’aanka Kariimka ah.

Mid ka mid ah ayaa isku dayay in uu toogto marxuumka, laakiin waxaa u dhici waysay bastooladdii uu watay. Kii labaad ayaa kabihiisii la soo galay masjidka ka dibna toogtay Nabaddoon Ibraahim Cariif, isagoo sidoo kalena dhaawacay  nin oday ah oo isku dayay in uu la hadlo oo uu ka waaniyo falka xun  ee ay ku kacayaan.

Halkan waxay  kooxda ayaanka daran ee Al-Shabaab ku geystay dambiyo oo aan kala culeys yareyn.

Waa mide waxay dishay ruux muslim ah, Soomman, waayeel ah, kana mid ah birimageydada.

Waxay  dishay oo ruuxdiisa goysay isagoo ku jira beydkii Alle oo akhrinaya kalaamkii Alle.

Waa saddexe  waxay toogatay oo rasaas ku dhaawacday Kitaabkii Alle.

Waxay kooxda habowsani falkan ku kacday iyadoo ay tahay bil Ramadaan weliba lagu guda jiro tobanka dambe ee bisha Ramadaan.

Intaas oo dhanna waxaa ka sii daran in ay ku faantay oo aaminsan tahay in xumaanta intaas la eg Alle loogu dhowaado.

Maalinba maalintaka dambeysa Al-Shabaab waxay ku kacayaan wax kasta oo Islaamku xarrimay, waxayna weerar ku yihiin wax kasta oo uu xitaa ku jirto Kitaabka Ilaahey.

 

Previous Post

Dowladda Holland oo aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga ah

Next Post

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u soo gudbay wareegga 4aad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u soo gudbay wareegga 4aad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kismaayo oo caawa u soo gudbay wareegga 4aad ee tartanka "SAWIRRO"

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In