Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Carwada caalamiga ah ee buugaagta Muqdisho oo maanta la soo gebagebeeyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Carwada caalamiga ah ee buugaagta Muqdisho oo maanta la soo gebagebeeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta lasoo gaba gabeeyay Carwaada Caalamiga ah ee Buugaagta Muqdisho oo Caasimada dalka ka socotay labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaana ka qeybgalay xafalada lagusoo xirayay Bandhiga Buugaagta Wasiirka Amniga gudaha Xukuumada Somaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed,Xildhibaano katirsan Baarlamanka Jamhuuriyada Somaaliya ,Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ,qorayaashii Buugaagta soo bandhigayay iyo Boqolaal dadweyne ah oo u badnaa aqoonyahano iyo Arday wax kabarta Jaamacadaha Muqdisho.

Intii uu socday Bandhiga Buugaagta ee 25-sano kadib lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa lagusoo bandhigay Buugaag kala duwan oo ay qoreen qorayaal Somaaliyeed islamarkaana ka hadlaya arimo ay kamid yihiin Ganacsiga,siyaasadda,dhaqanka, iyo hormarinta Af-Somaaliga waxaana la arkayay dadweyne farabadan oo iibsanaya buugaagtaasi.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Qaar kamid ah Qorayaashii ka qeybgalay Carwada Caalamiga ah ee Buugaagta ee maanta lasoo gabagabeeyay ayaa warbahainta Qaranka u faahfahaiyay nuucyada buugaagta ay diyaariyeen iyo muhiimada ay bulshada u leeyihiin.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa  bogaadiyay Bandhiga Buugaagta ee lagu qabtay Caasimada Muqdisho wuxuuna sheegay in Bandhigaasi uu guul uga dhigan yahay dadka Somaaliyeed.

Qoraaga Axmed Faarax Cali idaajaa oo isagana Book kusoo bandhigay Carwada Caaalamaiga ee bugaagta Muqdisho ayaa mar uu munaasabadda ka hadlayay soo qaatay Maah-maahyo iyo sheekooyin soojiitay ka qeybgalayaahsa xafladda wuxuuna intaasi kadib soojeediyay in lagu dadaalo ilaalinta Af-Somaaliga.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumada Somaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo kamid ahaa dadkii Buugaagta ka iibsaday Carwada ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho lagu qabto bandhiga Buugagata ay sabab u tahay isbedelka dhinaca Amniga ah ee laga sameeyay Caasimadda.

Bandhiga Caalamiga ah ee Buugaagta Muqdisho oo furitaankiisa uu ka qeybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud islamarkaana lagusoo Bandhigay Buugaag farabadan oo ay qoreen Qorayaal Somaaliyeed oo isaga kala yimid gudaha dalka iyo Dibadda ayaa maanta lasoo gaba gabeeyay waxayna tani tusaale u tahay hormaraka kajiro Caasimada Muqdisho

Previous Post

Maamulka degmada C/casiis oo deeq xoolo ah gaarsiiyay caruurta ku jirta xarunta Dr. Kadare “Sawirtro”

Next Post

Akhriso magacyada golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedka G.Mudug Oo Gor dhaw lagu Dhawaaqay+Sawirro

Next Post
Akhriso magacyada golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedka G.Mudug Oo Gor dhaw lagu Dhawaaqay+Sawirro

Akhriso magacyada golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedka G.Mudug Oo Gor dhaw lagu Dhawaaqay+Sawirro

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In