Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Cayaaraha xagaaga oo ka furmay magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Cayaaraha xagaaga oo ka furmay magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cayaaraha xagaaga ee sanad walba lagu qabto magaalada Columbu Ohio ee dalka Maraykanka ayaa sanadkii 16aad ka soconaya magaalada Columbus Ohio.

Daawashada cayaarahan waxaa ka soo qeybgalay kumanaan dad dhallinyaro u badan oo ka kala yimid inka badan 10 gobol oo ku yaal Mareykanka iyo Canada, kuwaas oo isugu jira Ciyaartooy iyo taageerayaal.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

In kabadan 18 kooxood oo kala ah cayaartooyda waaweyn, carruurta dadooda ay ka yartahay 14 jir , iyo Cayaartooyda Cuslaatay ayaa waxa ay qeyb ka yihiin cayaaraha xagaaga ee 2016, kuwaas oo mudo 4 cishaa socon doona.

Xafladda furitaanka oo ahayd mid xamaasad xanbaarsan ayaa waxaa ka qeybgalay dadweyne aad u badnaa iyo madax magac ku leh bulshada Soomaaliyeed ee Waqooyiga America.

Mudadii ay xafladda furitaankaa socotay waxaa laga shekeeyay taariikhdii iyo marxaladihii ay soo mareen cayaartooyda Soomaaliyeed kahor bur burkii Qaranka Soomaaliya iyo halka ay hada taaganyihiin.

Waxaa la soo hadal qaaday dhibaatada tababbar iyo qalab la’aaneed ee haysata dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku ciyaarta gudaha dalka Soomaaliya.

Inta badan waxgaradkii hadlay ayaa isla qiray in Cayaaruhu yihiin kuwo bulshada ku haga waddada Nabadda iyo is dhexgalka, isla markaana loo bahanyahay in la xoojiyo sii wadida Barnaamijyada cayaaraha ee noocan oo kale si dhallinyarada uga bad baado dhibaatada qurbaha iyo halista la xariirta qaadashada wadiiqooyin qaldan.

Dadkii ka hadlay xafladda oo badnaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaanka Soomaaliyeed ee dhawaan laga soo doortay dalka Canada Xildhibaan Axmed Xussen oo Barnaamijkan ciyaaraha uga yimid Canada si uu u dhiiro geliyo dhallinyarada ka qeybgalaysa Ciyaarahan, Deeqo Maxamed Siyaad oo ka mid ahayd gabdhihii kubadda Koleyga ee Soomaaliya, iyo Masuuliyiinkale oo aad u badan.

Waxaa gabi ahaan Jawiga ka soo qeybgalayaasha gilgilay oo halmar majaajiliistaha caankaa ee Soomaaliyeed Mataan Atlanta oo soo bandhigay majaajiladiisii 2016.

Maalinta Axada ah ayaa lagu wadaa in la soo afmeero cayaaraha, iyada oo kooxdii soo baxda ay Koobka 2016 la hooyan doonto.

 IMG_0017 IMG_0044 IMG_0058 IMG_0065 IMG_2971 IMG_2975 IMG_2982 IMG_3018 IMG_3023 IMG_3027 IMG_3034 IMG_3035 IMG_3065 IMG_3067 IMG_3069 IMG_3097 IMG_9259 IMG_9782 IMG_9786 IMG_9791 IMG_9805 IMG_9811 IMG_9822 IMG_9826 IMG_9829 IMG_9830 IMG_9835 IMG_9839 IMG_9840 IMG_9852 IMG_9855 IMG_9861 IMG_9882 IMG_9883 IMG_9885 IMG_9915 IMG_9920 IMG_9953 IMG_9965 IMG_9988 IMG_9990

Deeqo Shire (SONNA)

[email protected]

Previous Post

Dibad bax looga soo horjeeday kooxda monitoring group oo ka dhacay daljirka Dahsoon

Next Post

Maxabiistii lagu soo qabtay dagaalkii ciidamada Galmudug iyo Al-Shabaab oo la gaarsiiyay Deeq “SAWIRRO”

Next Post
Maxabiistii lagu soo qabtay dagaalkii ciidamada Galmudug iyo Al-Shabaab oo la gaarsiiyay Deeq “SAWIRRO”

Maxabiistii lagu soo qabtay dagaalkii ciidamada Galmudug iyo Al-Shabaab oo la gaarsiiyay Deeq “SAWIRRO”

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In