Friday, November 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dibad bax looga soo horjeeday kooxda monitoring group oo ka dhacay daljirka Dahsoon

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dibad bax balaaran oo looga soo horjeeday warbixinada ay ku weeraraan Madaxda iyo Ganacsada Dalka Guddiga la socodka Cunuqabateyn hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea, isla markaana lagu taageerayay qorsheyaasha horumarineed ee ay ku talaabsatay dowladda ayaa maanta ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, waxaana ka qeyb qaadanayay dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid 17-ka degmo ee gobolka.

Dadka isu soo baxa ka qeyb galay oo u badnaa haween iyo waxgarad ayaa sitay boorar ay ku qornaayeen halku dhigyo ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan warbixinnada been abuurka ah ee ay soo saaraan Monitoring group, waxaana halku dhigyadaas ka mid ahaa “jooji dib u celinta Ummadda Soomaaliyeed” iyo suugaan ka turjumeyso in shacabka ay garabtaaganyihiin dowladooda.

Related posts

Meertada 9-aad ee Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada Soomaaliya oo la spo gabagabeeyay

Meertada 9-aad ee Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada Soomaaliya oo la spo gabagabeeyay

November 13, 2025
Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda  Muqdisho

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda Muqdisho

November 13, 2025

Qaar ka mid ah dadkii ka qeyb galayay dibad baxa oo dareenkooda cabiraya ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan warbixinada ay soo diyaariyaan guddiga dabagalka cunuqabateynta hubka ee saran Soomaaliya iyo Eritrea.

Qaar ka mid ah waxgaradkii ka qeyb galay isu soo baxa oo halkaasi ka hadlay ayaa isku raacay in warbixinada ka soo baxa guddigaas ay u arkaan kuwo loogu gafo sida ay sheegeen madaxda dalka iyo dadka magaca ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed.

Dhawaan ayay markii hogaanka dhaqanka oo Muqdisho shirk u yeeshay ay isku raaceen  in la sameeyo Guddi ka hortaga wararka been abuurka ah ee ay inta badan guddiga dabagalka cunuqabateynta hubka saaran Soomaaliya iyo Eritrea soo saaraan, waxaana dibad baxa maanta ururrada bulshada rayidka ay isugu yimaadeen uu ka turjumaya sida shacabku ugu qanacsanyahay horumarka ay dowladda ku tallaabsatay.

 

Previous Post

Kulan looga hadlayay sidii looga hor tagi laha falalka jinsi naceybka oo lagu qabtay dalka Mareykanka “SAWIRRO”

Next Post

Cayaaraha xagaaga oo ka furmay magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka “SAWIRRO”

Next Post
Cayaaraha xagaaga oo ka furmay magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka “SAWIRRO”

Cayaaraha xagaaga oo ka furmay magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka "SAWIRRO"

Meertada 9-aad ee Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada Soomaaliya oo la spo gabagabeeyay

Meertada 9-aad ee Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada Soomaaliya oo la spo gabagabeeyay

November 13, 2025
0

Waxaa si rasmi ah magaalada Jowhar loogu soo gabagabeeyay Meertada 9-aad ee Shirka Madasha Arrimaha Beni’aadannimada Soomaaliya (CHF), kaas oo...

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda  Muqdisho

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda Muqdisho

November 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda Magaalada...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

November 13, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

November 13, 2025
0

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In