Monday, October 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Cayaartooyda Kubadda Kolleyga ee matalaya Muqdisho oo ku wajahan dalka Tanzania

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Cayaartooyda Kubadda Kolleyga ee matalaya Muqdisho oo ku wajahan dalka Tanzania
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cayaartooyda  Kubadda Kollayga ee matalaya magaalada Muqdisho  ayaa maanta lagu wadaa in ay u amba baxaan caasimada Daara-salaam ee Wadanka Tanzania, halkaasi oo ay uga qeybgalayaan tartan kubadda Kolleyga ah oo loo qabanayo magaalooyinka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Tarankaani oo sanadkiiba mar loo qabto  magaladooyinka  Wadamada   Bariga  iyo Bartamaha Afrika ayaa Soomaaliya waxaa sanadkan uga qeyb galaya cayaartooy ka kala socota magaalooyinka Qardho iyo Muqdisho.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026

Xasan Aadan Xaaji  Yabarow Wiish  Gudoomiyaha  Isboortiga ee gobolka Banaadir oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in cayaartooyda ay muddo labo bil ah tababar ku qaadanayeen gudaha magaalada Muqdisho, waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay inay guulo soo hooy karaan sanadkan.

“Muddo ka badan labo bil ayaan tababar ku jirnay, runtii cayaartooyda waxaan is dhihi karnaa markan meel fiican ayaad gaarsiiseen, doorkooda unbaa ka sugeynaa inay ka soo dhalaalaan, oo ay kor u qaadaan magaca Caasimadda oo ay ku cayaarayaan” ayuu yiri Guddoomiye Xasan.

Guddoomiyuhu waxa uu shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay garab istagaan bahda  Isboortiga  maadama  uu qayb weyn ka qaadan  karo  Nabadda.

“Shacabka waxaan ka codsanayaa inay sagootin iyo soo dhaweyn u sameeyaan cayaartooyda ka socota caasimadda ee ka qeyb galaysa tartanka magaalooyinka bariga iyo bartamaha Qaaradda Afrika, Isboortiga waxa uu qeyb ka cayaaraa isdhexgalka bulshada iyo horumarka dalka” ayuu yiri Xasan Aadan X.Yabarow.

 

 

Previous Post

Xildhibaanno iyo siyaasiyiin booqday xabsiga dhexe ee Beladweyne

Next Post

Dr Xabeeb oo tababar caafimaad degmada Caabudwaaq uga furaya howlwadeenno caafimaad

Next Post
Tacadiyada haweenka loo geysto oo looga hadlay kulan lagu qabtay Caabudwaaq

Dr Xabeeb oo tababar caafimaad degmada Caabudwaaq uga furaya howlwadeenno caafimaad

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐮 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐣𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐨

October 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa Ka qeybgalay munaasabadda xil-wareejinta Wasaaradda...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo shaacisay natiijada baaritaanada EBOLA

October 25, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa shaacisay natiijada baaritaanada Ebola iyo dhammeystirka habraacyada karantiilka Muwaadinkii Soomaaliyeed ee la xaqiijiyo in uu xiriir...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shir muhiim ah kaga qayb galaya dalka Azerbaijan

October 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa maanta u amba baxay magaalada...

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay eedeysane bom gacmeed ku tuuray bar koontarool

October 24, 2026
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya ciidamada kale ee amniga, ayaa gacanta ku dhigay Cabdisalaan Yacquub Nuur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In