Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ceel biyood laga hirgeliyay deegaanka Laasa Cadale ee gobolka Mudug

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Ceel biyood laga hirgeliyay deegaanka Laasa Cadale ee gobolka Mudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deegaanka Laasa Cadale, oo qiyaastii 20km dhanka bari kaga toosan magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa laga hirgeliyay ceel biyoodkii ugu horeeyay, xilli dadka deegaanka ka cabanayeen biyo yari.

Ceel biyoodka ayaa leh matoor biyaha ka soo saara ceelka, kaas oo danabka uu ku shaqeeyo ka heleya ileyska cadceeda, oo soolaro waa weyn lagu xiriiriyay.

Related posts

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026

Hey’adda General Service Agency oo loo soo gaabiyo G.S.A ayaa fuliyay mashruuca ceelkan, C/laahi Cumar Kaahiye, oo kamid ah mas’uuliyiinta hey’adda ayaa warbaahinta u sheegay in fulinta mashruucan hey’adda G.S.A la kaashatay hey’adda UNOCHA.

Guddoomiyaha, degmada Gaalkacyo ee maamulka GalMudug, Xirsi Yuusuf Barre, oo xariga ka jaray ceelka ayaa u mahadceliyay hey’addii ka shaqeysay hirgelinta ceel biyoodka. Waxaa uu intaas ku daray in deegaanka uu baahi weyn u qabay in laga taageero helitaanka biyo ku filan.

Guddoomiyaha ayaa dadka deegaanka ku adkeeyay in ay ilaashadaan mashaariicda deegaanka laga hirgeliyay oo ceelkan uu kamid yahay.

Axmed C/laahi Cilmi (Goownax), oo ah guddoomiyaha deegaanka Laasa Cadale, ayaa tilmaamay in mashruucan uu yahay mid ku soo aaday xilligii loogu baahi badnaa, isagoo mahad u celiyay dadkii ka soo shaqeeyay mashruucan.

Previous Post

Maamulka Warsheekh oo Joojiyay Dalxiiskii lagu tagi jirey Degmadaas

Next Post

Machadka Hano Academy oo soo saaray marooyinka wajiga lagu xirto (Face mask) “SAWIRRO”

Next Post
Machadka Hano Academy oo soo saaray marooyinka wajiga lagu xirto (Face mask) “SAWIRRO”

Machadka Hano Academy oo soo saaray marooyinka wajiga lagu xirto (Face mask) “SAWIRRO”

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

Wasiirka Qoyska Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay shir heer Wasiir ah oo ka dhacay New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta mar kale khudbad ka jeedisay shir...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI

March 11, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee Caasimadda dalka aan...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Cadaaladda XFS oo soo saartay Liiska Nootaayooyinka sharciyaysan

March 11, 2026
0

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS ayaa waxa ay si rasmi ah ula wadaagaysaa dadweynaha iyo dhammaan daneeyaasha liiska...

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

Kulanka hagista mashruuca Koronto-gelinta Kooban ee Afrika oo lagu qabtay Muqdisho

March 11, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax ayaa shir guddoomiyay kulanka hagista iyo isku dubbaridka mashruuca...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In