Ciidamada amaanka ee Dowladda Soomaaliya ayaa howlgal xoog leh ka sameeyey deegaano hoos tago magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah xaafadaheeda.
Howlgalkaasi ayaa waxaa lagu soo qabqabtay ilaa iyo 20 ruuxo oo baaritaano lagu sameeyeen doono sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen Saraakiisha amaanka ee horkacayey howlgalka ay ciidamada amaanka sameeyeen.
Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in howlgalkaan ujeedkiisa yahay in lagu beegsada Shabaabka isla markaana ay xooga saari doonaan sidii ay shabaab ugu nadiifin laahaayeen deegaanada hoostago gobolka Hiiraan.
Howlgalkan ayaa yimid kadib markii habeen hore labo askari lagu dilay gudaha Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiraan.