Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada amaanka oo howlgalo ka sameeyay degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Howlgallada lagu sugayo amaanka caasimadda oo la kordhiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta baaritaano ay ka sameyeen degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley iyadoo ay la socdaan saraakiishooda iyo gudoomiyayaasha degmooyinkaasi.

Ciidamada ayaa guri guri u galayey xaafadaha ay baaritaanada ka socdeen iyaga oo soo qabtay dhalinyaro looga shakiyey inay xariir la leeyihiin maleeshiyada Al_Shabaab lala xiriirinayo oo su”aalo la weydiiyey inkastoo qaarkood la sii daayay.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Gudoomiyayasha degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley ayaa sheegay inay la shaqayn doonaan hay”adaha amaanka islamarkaana inta ay socdaan howlaha lagu xaqiijinayo amaanka maamuladoodu ay si dhaw ula socon doonaan.

Howgalkaan ayaa taliyaha nabad sugida waxa uu ugu magac daray dariskaaga ogow oo macnaheedu yahay sidii loola socon lahaa dadka ku soo kordha qoys kasta si looga hortago amni daro ka dhacda caasimadda.

Maxamed Yuusuf waa afhayeenka wasaaradda amniga waxa uu warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkaan uu ka soo bilowday deegaanka Ceelasha biyaha, Wadajir iyo Dharkenleyna ay ku xigaan

Ciidamada, saraakiisha iyo mas”uuliyiinta la socotay ayaa dadka danta yar waxa ay siinayeen deeq isugu jirtay lacag iyo buskut si loo dareensiiyo kaalmada dowlada iyo sida ay dadkeeda u garab taagantahay.

Ciidamada hay”adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka waxay habeen iyo maalin xaafadaha Muqdisho ay ka sameeyaan Baaritaano amniga la xiriira waxaana ujeedada ugu weyn ay tahay in lagu badbaadiyo dadka Soomaaliyeed sharaftooda iyo maalkooda si aanay Argagaxisadu ugu xadgudbin.

 

Previous Post

Ol ole nadaafadeed oo ka bilowday magaalada Gaalkacyo

Next Post

Aqoon kororsi loo furay haweenka ku jira Baarlamaanka Soomaaliya

Next Post
Aqoon kororsi loo furay haweenka ku jira Baarlamaanka Soomaaliya

Aqoon kororsi loo furay haweenka ku jira Baarlamaanka Soomaaliya

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In