Howlgallada sugidda Amniga Magaalada Gaalkacyo oo ay iska kaashanayaan ciidanka Asluubta ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka iyo Ciidanka Booliiska Galmudug oo ay wehliyaan Ciidanka xasilinta booliiska Gobalka Mudug ee Dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Galmdug ayaa galay habeenkii lixaad.
Howlgalkaan oo qorshihiisa koowaad uu yahay ka hor tagista falalka argagixisanimo maadaama khawaarijtu ay caado ka dhigtaan waqtiyada cibaadada in ay Muslimiinta dhibaateeyaan, iyagoo dagaal kula jira gudashada cibaadada iyo Waajibaadka Rabbi
Saraakiisha caawa hogaaminyay howlgalka ayaa sheegay in ay ciidamadu xil gaara iska saarayaan sidii shacabku ay si nabad galyo ah u gutaan cibaadada Alle inta lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan
Taliyaha Ciidanka Booliiska Dagmada Gaalkacyo ee Galmudug Dhamme Cali Xirsi Sahal oo aan wax ka weydiiyay sida ay shacabku ula shaqeeynayaan ciidamada amaanka ayaa sheegay in shacabku ay doorkooda ka qaadanayaan howlgalka sugidda Amniga isagoo uga mahadceliyay kaalinta shacabka ee xaqiijinta nabadgelyada.
Dhamme Cali Xirsi Sahal.ayaa dhanka.sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen dhallinyaro ku eedeeysan dhibaateeynta shacabka iyo isticmaalka maandooriyaha oo isagu qeyb aad u weyn ka qaata amni darrada
Shacabka Gaalkacyo ayaa dhankooda si weyn usoo dhaweeynaya howlgallada ay ciidanku ka wadaan Gaalkacyo iyagoo qaarkood oo aan wax ka weydiiyay la shaqeynta ciidamada ay sheegeen in ay mar kasta diyaar u yihiin garab istaaga ciidanka maadaama ay jecel yihiin in si nabad ah ay ku gutaan Cibaadada Alle inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan.ee Ramadaan