Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada ammaanka Dagmada Gaalkacyo oo gacanta ku dhigay 30 dhallinyaro ah oo ku eedeeysan qalqal gelin amni “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Ciidamada ammaanka Dagmada Gaalkacyo oo gacanta ku dhigay 30 dhallinyaro ah oo ku eedeeysan qalqal gelin amni “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgallada sugidda Amniga Magaalada Gaalkacyo oo ay iska kaashanayaan ciidanka Asluubta ciidanka nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka iyo Ciidanka Booliiska Galmudug oo ay wehliyaan Ciidanka xasilinta booliiska Gobalka Mudug ee Dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Galmdug ayaa galay habeenkii lixaad.

Howlgalkaan oo qorshihiisa koowaad uu yahay  ka hor tagista falalka argagixisanimo maadaama khawaarijtu ay caado ka dhigtaan waqtiyada cibaadada in ay Muslimiinta dhibaateeyaan, iyagoo dagaal kula jira gudashada cibaadada iyo Waajibaadka Rabbi

Related posts

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026

Saraakiisha caawa hogaaminyay howlgalka ayaa sheegay in ay ciidamadu xil gaara iska saarayaan sidii shacabku ay si nabad galyo ah u gutaan cibaadada Alle inta lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan

Taliyaha Ciidanka Booliiska Dagmada Gaalkacyo ee Galmudug Dhamme Cali Xirsi Sahal oo aan wax ka weydiiyay sida ay shacabku ula shaqeeynayaan ciidamada amaanka ayaa sheegay in shacabku ay doorkooda ka qaadanayaan howlgalka sugidda Amniga isagoo uga mahadceliyay kaalinta shacabka ee xaqiijinta nabadgelyada.

Dhamme Cali Xirsi Sahal.ayaa dhanka.sheegay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen dhallinyaro ku eedeeysan dhibaateeynta shacabka iyo isticmaalka maandooriyaha oo isagu qeyb aad u weyn ka qaata amni darrada

Shacabka Gaalkacyo ayaa dhankooda si weyn usoo dhaweeynaya  howlgallada ay ciidanku ka wadaan Gaalkacyo iyagoo qaarkood oo aan wax ka weydiiyay la shaqeynta ciidamada ay sheegeen in ay mar kasta diyaar u yihiin garab istaaga ciidanka maadaama ay jecel yihiin in si nabad ah ay ku gutaan Cibaadada Alle inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan.ee Ramadaan

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray Talisyada Nabad-Sugidda iyo Booliska

Next Post

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

Next Post
Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

Wasiirka Waxbarashada XFS oo kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Waxbarashada Turkiga

October 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa Ankara kula kulmay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Türkiye,...

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In