Monday, January 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Ku Dhigay Mooto Lagu Xiray Waxyaabaha Qarxa “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Ku Dhigay Mooto Lagu Xiray Waxyaabaha Qarxa “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mootadani loo yaqaano mooto bajaaj ee lagu soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa ciidamada ammaanka ee Soomaaliya waxa ay ku soo qabteen howgal ay ka sameeyeen qeybo ka tirsan degmada Hodan, waxaana maanta lagu soo bandhigay Saldhiga degmada Hodan ee Gobolka Banaaadir.

Goobta lagu soo bandhigay mootadani bajaajka ah ee la rabay in lagu dhibaateeyo dad Soomaaliyeed oo ay ku xirnaayeen walxaha qarxa ayaa waxaa ku sugnaa saraakiisha ciidamada Booliska iyo maamulka degmada ,waxaana sidoo kale lagu guuleystay in miinada laga furo mootada si aysan u dhibaateyn shacabka iyo gawaarida halkaasi ka ag dhawaa.

Related posts

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026

Guddoomiyaha degmada Hodan C/qaadir Cali Kulane oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka degmada uu dadaal ugu jiro sidii shacabka degmada looga ilaalin lahaa dhagarta kooxaha nabad diidka ah ay maleegayaan.
Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble ayaa faah-faahin ka bixiyay qaabka uu howgalkani u dhacay, isagoo sheegay in qeyb ay ka tahay arrintani dadaalada Hey’adaha ammaanka ay ku doonayaan xaqiijinta amniga.

Ciidamada Ammaanka Ayaa ku mashquulsan dabagalka iyo ka hortaga kooxaha caadeystay dhibaateynta Dadka Soomaaliyeed, iyadoo howlgalo xiriir ah ay ka wadaan magaalada Muqdisho taasi oo ay mahdiyeen Bulshada Soomaaliyeed.

vlcsnap-2015-03-04-21h50m44s60

vlcsnap-2015-03-04-21h51m03s248

vlcsnap-2015-03-04-21h51m14s100

vlcsnap-2015-03-04-21h51m26s222

vlcsnap-2015-03-04-21h51m41s118

vlcsnap-2015-03-04-21h51m45s153

vlcsnap-2015-03-04-21h52m06s107

vlcsnap-2015-03-04-21h52m29s89

vlcsnap-2015-03-04-21h52m39s172

Previous Post

Midowga Yurub oo Taageeraya Horumarinta Waaxda Tamarta Soomaaliya:-War-Saxaafadeed

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay James Swan

January 25, 2026
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 25, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee  lagu qabtay Spain

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo ka warbixiyey bandhigga Carwada ee lagu qabtay Spain

January 25, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa ka warbixiyay Bandhigga Carwada Caalamiga ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga

January 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In