Ciidamada ammaanka ayaa waaberigii saaka howlgal lagu xaqiijinayo ammaanka ka sameeyay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe.
Taliyaha qeybta Booliiska ee gobolka Sh/Dhexe G/lle Aadan Yaroow ayaa Radio Muqdisho u sheegay in howlgalkaasi lagu soo qabqabtay laba qofood oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen bam gacmeed xalay lagu weeraray guri uu deganaa mudane ka tirsan baarlamanka maamulka Hirshabeelle.
Wuxuu tilmaamay in bam gacmeedkaasi uu dhaawac fudud ka soo gaaray laba hablood oo ka mid ah qoyska xildhibaanka, isagoo hoosta ka xariiqay in la adkeeyay ammaanka magaalada Jowhar.