Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Ammanka Kenya oo Bilaabay Howlgallo,kadib Markii ay Heeleen Warar Sheegaya in Al-shabaab ay Fulin Rabaan Weeraro argagixiso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Ammanka Kenya oo Bilaabay Howlgallo,kadib Markii ay Heeleen Warar Sheegaya in Al-shabaab ay Fulin Rabaan Weeraro argagixiso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay howlgallo ka waday xaafada ay soomaalidu degto ee Islii,ka dib markii sirdoonka dowlada Kenya ay heleen warar sheegaya in 12 ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab ay soo galeen dalka,kuwaasi oo isku dayaya in ay qarxiyeen xarunta baarlamaanka dalka Kenya iyo safaarada dowlada Masar ay ku leedahay magaalada Nairobi.

Dowlada Kenya ayaa si aad ah u adkeeysay ammaanka dhammaan xarumaha dowlada ee ku yaala magaalada Nairobi,si looga hortago weeraro argagaxiso oo ay kooxda Al-shabaab ka fuliso dalka.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Warar ay heleen ciidamada sirdoonka ayaa sheegaya in lix kamid ah ragga laga shakisanyahay ay soo galeen magaalada Nairobi,iyadoo aan wali la ogeyn halka ay ku suganyihiin lixda kale.

Waraaq ku taariikheysneyd 20-bishii February ee dhamaatay ayey dowlada Masar uga codsatay ciidamada ammaanka ee dalka Kenya in ay adkeeyaan ammanka safaarada ay ku leedahay magaalada Nairobi iyo sidoo kale guriga ay deganyihiin diblomaasiyiinta dalkaasi.

Wararka ay sirdoonku heleen ayaa intaasi ku daraya in kooxaha argagixisada ah ay damacsanyihiin in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buxiiyay ku qarxiyaan xarunta baarlamaanka dalka Kenya,inkastoo aysan sirdoonku sheegin xiliga weerarkaasi la fulin rabo.

Sida ay ciidamada ammaanku sheegeen weerarkan waxaa soo qorsheeyay ninka lagu magacaabo Maxamed Maxamuud oo loo yaqaano Dulyadeen ama Gacmadheere oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Maxamed ayaa horey u sheegtay mas’uuliyadda weerarkii 22 bishii November ee sanadkii 2014 ka dhacay magaalada Mandera,kaasi oo lagu xasuuqay dad shacab ah oo saarnaa bus ku soo jeeday magaalada Nairobi.

Maxamed Gacmadheere ayaa sheegay in sedax todobaad ka hor ay dalka Kenya u soo direen 12-qof ajaanib ah si ay weeraro argagixiso uga fuliyaan.

Waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka xarunta baarlamaanka dalka Kenya,iyadoo la geeyay ciidamo dheeraad ah gudaha iyo banaanka xarunta baarlamaanka,si looga hor tago weeraro argagixiso oo lagu soo qaado.

Afhayeenka baarlamaanka dalka Kenya Justin Muturi ayaa qiray in la adkeeyay ammaanka xarunta baarlamaanka.

Taliyaha ciidamada booliska ee dalka Kenya Mr Samwel Arachi ayaa sheegay in la adkeeyay dhamaan xarumaha muhiimka ah ee dowlada,si looga foojignaado weeraro argagixiso.

Soomaalida ku nool kuna ganacsato xaafada Islii ayaa walaac ka muujinayo howlgallada ay ciidamada ammaanka ka wadeen xaafada labadii maalin ee lasoo dhaafay.

Previous Post

Wasiirka Kalluumeysiga oo kulan la qaatay xubno ka socday Hay’adda FAO

Next Post

Dadka deegaanka Xiin-Dheere oo Al-shabaab la dagaalamaya

Next Post
Dadka deegaanka Xiin-Dheere oo Al-shabaab la dagaalamaya

Dadka deegaanka Xiin-Dheere oo Al-shabaab la dagaalamaya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In