Saturday, July 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Ammanka Kenya oo Bilaabay Howlgallo,kadib Markii ay Heeleen Warar Sheegaya in Al-shabaab ay Fulin Rabaan Weeraro argagixiso

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Ammanka Kenya oo Bilaabay Howlgallo,kadib Markii ay Heeleen Warar Sheegaya in Al-shabaab ay Fulin Rabaan Weeraro argagixiso
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay howlgallo ka waday xaafada ay soomaalidu degto ee Islii,ka dib markii sirdoonka dowlada Kenya ay heleen warar sheegaya in 12 ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab ay soo galeen dalka,kuwaasi oo isku dayaya in ay qarxiyeen xarunta baarlamaanka dalka Kenya iyo safaarada dowlada Masar ay ku leedahay magaalada Nairobi.

Dowlada Kenya ayaa si aad ah u adkeeysay ammaanka dhammaan xarumaha dowlada ee ku yaala magaalada Nairobi,si looga hortago weeraro argagaxiso oo ay kooxda Al-shabaab ka fuliso dalka.

Related posts

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray magaalada Baydhaba

July 18, 2026
Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

July 18, 2026

Warar ay heleen ciidamada sirdoonka ayaa sheegaya in lix kamid ah ragga laga shakisanyahay ay soo galeen magaalada Nairobi,iyadoo aan wali la ogeyn halka ay ku suganyihiin lixda kale.

Waraaq ku taariikheysneyd 20-bishii February ee dhamaatay ayey dowlada Masar uga codsatay ciidamada ammaanka ee dalka Kenya in ay adkeeyaan ammanka safaarada ay ku leedahay magaalada Nairobi iyo sidoo kale guriga ay deganyihiin diblomaasiyiinta dalkaasi.

Wararka ay sirdoonku heleen ayaa intaasi ku daraya in kooxaha argagixisada ah ay damacsanyihiin in gaari waxyaabaha qarxa laga soo buxiiyay ku qarxiyaan xarunta baarlamaanka dalka Kenya,inkastoo aysan sirdoonku sheegin xiliga weerarkaasi la fulin rabo.

Sida ay ciidamada ammaanku sheegeen weerarkan waxaa soo qorsheeyay ninka lagu magacaabo Maxamed Maxamuud oo loo yaqaano Dulyadeen ama Gacmadheere oo ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Maxamed ayaa horey u sheegtay mas’uuliyadda weerarkii 22 bishii November ee sanadkii 2014 ka dhacay magaalada Mandera,kaasi oo lagu xasuuqay dad shacab ah oo saarnaa bus ku soo jeeday magaalada Nairobi.

Maxamed Gacmadheere ayaa sheegay in sedax todobaad ka hor ay dalka Kenya u soo direen 12-qof ajaanib ah si ay weeraro argagixiso uga fuliyaan.

Waxaa si aad ah loo adkeeyay ammaanka xarunta baarlamaanka dalka Kenya,iyadoo la geeyay ciidamo dheeraad ah gudaha iyo banaanka xarunta baarlamaanka,si looga hor tago weeraro argagixiso oo lagu soo qaado.

Afhayeenka baarlamaanka dalka Kenya Justin Muturi ayaa qiray in la adkeeyay ammaanka xarunta baarlamaanka.

Taliyaha ciidamada booliska ee dalka Kenya Mr Samwel Arachi ayaa sheegay in la adkeeyay dhamaan xarumaha muhiimka ah ee dowlada,si looga foojignaado weeraro argagixiso.

Soomaalida ku nool kuna ganacsato xaafada Islii ayaa walaac ka muujinayo howlgallada ay ciidamada ammaanka ka wadeen xaafada labadii maalin ee lasoo dhaafay.

Previous Post

Wasiirka Kalluumeysiga oo kulan la qaatay xubno ka socday Hay’adda FAO

Next Post

Dadka deegaanka Xiin-Dheere oo Al-shabaab la dagaalamaya

Next Post
Dadka deegaanka Xiin-Dheere oo Al-shabaab la dagaalamaya

Dadka deegaanka Xiin-Dheere oo Al-shabaab la dagaalamaya

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray magaalada Baydhaba

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray magaalada Baydhaba

July 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):-Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Cabdulqaadir Cilmi...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

July 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO(NEW YORK):-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku aaddan hirgelinta ajendayaasha horumarineed ee Afrika iyo caalamka, iyadoo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Gaashaandhigga Jabuuti

July 17, 2026
0

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA WASIIRKII GAASHAANDHIGGA DALKA JABUUTI   Muqdisho, Luuliyo, 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, oo la kulmay dhiggiisa FIFA

July 16, 2026
0

Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa caawa kulan miro-dhal ah la...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In