Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Amniga oo gacan ku dhigay eedeysane fal dil ah ka geystay Gaalkacyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
October 15, 2018
in Wararka
0
Ciidamada Amniga oo gacan ku dhigay eedeysane fal dil ah ka geystay Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxamed Sahal Diiriye oo ku eedeeysan dilka Marxuum Cali Dhoore Qoorweyne oo lagu dilay 9-kii bishaan deegaanka laama ballaaar ee duleedka Koofureed ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ciidanka booliiska Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Mudug u suurta gashay in shalay galinkii danbe ay gacanta kusoo dhigaan kaddib howlgallo lagu baadi goobayay oo ay ciidamadu wadeen tan iyo wixiii ka dambeeyay markii la dilay Allaha u naxariistee Marxuum Cali Dhoore Qoorweyne

 

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Taliye ku-xigeenka qeybta booliiska Gobalka Mudug ee Galmudug Gaashaanle Dhaxe Maxamuud Cilmi Gulaafe ayaa Warbaahinta Qaranka uga warbixiyay maanta howlgalka lagu soo qabtay eedeeysane Maxamed Sahal Diiriye, waxaana uu sheegay in tan iyo wixii ka dambeeyay markii la dilay Marxuum Cali ay ciidamada booliiska Galmudug wadeen baadi goob ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa cidii ka danbeysay falkaasi dilka ah, kadibna shalay galinkii dambe ay u suurta gashay in ay gacanta kusoo dhigaan eedeeysane Maxamed Sahal Diiriye dhawaana Maxkamad lasoo taagi doono.

Gaashaanle dhaxe Maxamuud Cilmi Gulaafe ayaa shegay in xaaladda Amniga GOBALKA mudug xiligaan ay tahay mid hagaagsan, waxaana uu tilmaamay in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Gaalkacyo ay kaalin fiican ka qaateen howlaha sugidda Amniga Gobalka Mudug ayna uga mahad celinayaan doorka lama iloobaanka ah ee ay ka qaateen xasiloonida iyo deganaanshiyaha amni ee ka muuqda magaalada Gaalkacyo ee guud ahaan Gobalka Mudug

 Waxaa Diyaariyay Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (Galkacyo)


 

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Dhagax Dhigay Mashaariic Horumarineed Oo laga Hirgelinayo Hir-shabeelle “SAWIRRO”

Next Post

Xildhibaannada Aqalka Sare oo ku baaqay in la xoojiyo Amniga Baydhabo

Next Post
Kulan looga hadlayay horumarinta Baydhabo oo lagu qabtay isla magaaladaasi

Xildhibaannada Aqalka Sare oo ku baaqay in la xoojiyo Amniga Baydhabo

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In