Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada booliiska oo howlgal ku soo qabtay hub, walxaha qarxa iyo dhagarqabayaal

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ciidamada booliiska oo howlgal ku soo qabtay hub, walxaha qarxa iyo dhagarqabayaal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgal ay ciidamada Booliisku maanta ka sameeyeen xaafad ka mid ah degmada yaaqshiid ayaa lagu soo qabqabtay hub iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda UGUS.

Howlgalkan oo ahaa mid ay ciidamadu ku bartilmaameedsanayeen guri ku yaala xaafad ka mid ah degmada Yaaqshiid oo lagu diyaarin jiray qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ayeey ciidamadu ku guueeysteen iney gacanta ku dhigaan hub, walxaha qarxa iyo dhagar qabayaal ka tirsan kooxda UGUS ee Alshabaab oo gurigaasi ku sugnaa.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Ciidamada oo waaberigii saaka howlgalka billaabay ayaa sidoo kale waxey gacanta ku soodhigeen haweeneey iyo laba nin oo ku sugnaa gurigaasi kuwaasoo la rumeysanyahay iney ka tirsanyihiin maleeshiyaadka Shabaab.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Muqtaar Xasan Afrax ayaa Radio Muqdisho u sheegay in xog ay ka heleen dadka deegaanka ay u suurtagelisay ineey ciidamadu galaan guri ay maleeshiyaadka Shabaab ku diyaarin jireen walxaha qarxa iyo dhagar qabayaal ka tirsan Shabaab.

“Howlgal ayaa ciidamadu waxa ay fuliyeen degmada Yaaqshiid waana arrin la dabasocday muddo sirdoonka booliiska iyo saldhigga Yaaqshiid howl ay wada sameeynayeen ayeey ahyeed, waxaa la helay warbixino ah in cadowgu ay maleegayaan shirqoollo, xalay saqdii dhexe ayeey ciidammadu howlgal ka sameeyeen goobtaasi waxaana laga qabtay walxaha qarxa iyo qalabkii laga sameeyn jiray qaraxyada, miinooyinkii bistooladihii dadka shacabka ah ay ku dilijireen dadkii guriga loogu yimid guriga waxaa la geeyay hoggaanka barista booliiska” ayuu yiri Jeneraal Muqtaar Xasan Afrax taliye ku xigeenka ciidanka booliiska.

Howlgalkan ay ciidamadu ka sameeyeen degmada Yaaqshiid ayaa qeyb ka ah qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda dalka ee Muqdisho.

 

Previous Post

Mudanayaasha baarlamanka oo maanta ka dooday dib eegista miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015-ka

Next Post

Wasaaradda aminiga oo ku baaqday in aan guryaha laga kireynin Al-Shabaab

Next Post
Muqdisho: “Shacabka haka feejignaadaan shirqoolada ay maleegayaan Shabaab” Dhageyso

Wasaaradda aminiga oo ku baaqday in aan guryaha laga kireynin Al-Shabaab

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In