Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada booliiska oo howlgal ku soo qabtay hub, walxaha qarxa iyo dhagarqabayaal

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ciidamada booliiska oo howlgal ku soo qabtay hub, walxaha qarxa iyo dhagarqabayaal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgal ay ciidamada Booliisku maanta ka sameeyeen xaafad ka mid ah degmada yaaqshiid ayaa lagu soo qabqabtay hub iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda UGUS.

Howlgalkan oo ahaa mid ay ciidamadu ku bartilmaameedsanayeen guri ku yaala xaafad ka mid ah degmada Yaaqshiid oo lagu diyaarin jiray qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ayeey ciidamadu ku guueeysteen iney gacanta ku dhigaan hub, walxaha qarxa iyo dhagar qabayaal ka tirsan kooxda UGUS ee Alshabaab oo gurigaasi ku sugnaa.

Related posts

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026

Ciidamada oo waaberigii saaka howlgalka billaabay ayaa sidoo kale waxey gacanta ku soodhigeen haweeneey iyo laba nin oo ku sugnaa gurigaasi kuwaasoo la rumeysanyahay iney ka tirsanyihiin maleeshiyaadka Shabaab.

Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Muqtaar Xasan Afrax ayaa Radio Muqdisho u sheegay in xog ay ka heleen dadka deegaanka ay u suurtagelisay ineey ciidamadu galaan guri ay maleeshiyaadka Shabaab ku diyaarin jireen walxaha qarxa iyo dhagar qabayaal ka tirsan Shabaab.

“Howlgal ayaa ciidamadu waxa ay fuliyeen degmada Yaaqshiid waana arrin la dabasocday muddo sirdoonka booliiska iyo saldhigga Yaaqshiid howl ay wada sameeynayeen ayeey ahyeed, waxaa la helay warbixino ah in cadowgu ay maleegayaan shirqoollo, xalay saqdii dhexe ayeey ciidammadu howlgal ka sameeyeen goobtaasi waxaana laga qabtay walxaha qarxa iyo qalabkii laga sameeyn jiray qaraxyada, miinooyinkii bistooladihii dadka shacabka ah ay ku dilijireen dadkii guriga loogu yimid guriga waxaa la geeyay hoggaanka barista booliiska” ayuu yiri Jeneraal Muqtaar Xasan Afrax taliye ku xigeenka ciidanka booliiska.

Howlgalkan ay ciidamadu ka sameeyeen degmada Yaaqshiid ayaa qeyb ka ah qorshayaasha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda dalka ee Muqdisho.

Previous Post

Mudanayaasha baarlamanka oo maanta ka dooday dib eegista miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2015-ka

Next Post

Wasaaradda aminiga oo ku baaqday in aan guryaha laga kireynin Al-Shabaab

Next Post
Muqdisho: “Shacabka haka feejignaadaan shirqoolada ay maleegayaan Shabaab” Dhageyso

Wasaaradda aminiga oo ku baaqday in aan guryaha laga kireynin Al-Shabaab

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In