Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Booliska Dalka Kenya oo Magacaabay Labo Horjooge oo Ka Tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shabaab

Ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa shacabka ka codsaday in ay u soo gudbiyaan wixii aqbaar ah oo ku aadan labo horjoogee oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab,kuwasi oo u dhashay dalka Kenya.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026

Qoraal ka soo baxay hogaanka danbi barista ee dalka Kenya ayaa sheegay in Maxamed Kuno,oo sidoo kale loo yaqaano Sheikh Maxamed, Dulyadin (Gamadheere) iyo Axmed Iman Cali, oo isna loo yaqaano Abu Zinira ay yihiin hogaamiyaal ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab.

Booliska ayaa sheegay Kuno uu yahay hogaamiyaha kooxda Al-Shabaab u qaabilsan gobolada Jubbooyinka,isagoo mas’uul ka ahaa weerarada ka dhaca gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya,waxana uu sheegtay mas’uuliyada weeraradii dhawaan dad shacab ah lagu xasuuqay oo ka dhacay magaalada Mandera.

Ciidamada booliska ayaa sidoo kale sheegay in Axmed Iman uu yahay madaxa kooxda Al-shabaab u qaabilsan soo saarista muuqaalada ay kooxda Al-shabaab soo dhigaan baraha internetka oo ay ku sheegtaan weerarada ay geystaan,gaar ahaan kuwii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Mandera.

Ku-xigeenka hogaanka danbi baarista ee dalka Kenya Gideon Kamilu ayaa ka codsaday shacabka dalka Kenya in ay booliska u soo gudbiyaan wixii aqbaar ah oo fududeynaya soo qabashada labadasi horjooge.

Mas’uulkan ayaa shacabka ugu baaqay in qofkii helo xog ku aadan labadasi horjooge uu ku soo war-galiyo saldhiga booliska ee ugu dhaw.

Horjooge Kuno ayaa macalin ka ahaa Madaraso ku taala magaalada Garissa,ka hor intii uusan sanadkii 2000 ku biirin maleeshiyaadka Al-shabaab.

Horjooge Axmed Iman ayaa ka qalin jabiyay qeybta engineerika ee jaamacada Jomo Kenyatta University ee magaalada Nairobi.

Axned Iman ayaa sidoo kale ahaa xoghaynta gudiga masjidka Riyadha ee ku yaalo deegaanka Pumwani ee magaalada Nairobi,ka hor intii uusan sanadkii2009 ku biirin maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.

Horjeege Iman ayaa la rumeysanyahay in uu ahaa ardayga Sheekh Aboud Rogo oo sanadkii 2012 lagu dilay magaalada Mombasa.

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Bandhigga wareysiyada ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In