Deegaanka Ceel-saliin oo 20-KM dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeellaha Hoose iskuna xira deegaanada Dhanaane, Gardarshe, Nambar 60 iyo deegaano kale ayaa marin muhiim ah u ahaa maleeshiyaadka Alshabaab, iyagoona ka soo abaabuli jiray falalka argagixisanimo ee lagu gumaado dadka rayidka ah, balse arrintaas waxaa soo afjaray Ciidamada Xoogga dalka ee DANAB oo Nabad diidka si xoog ah uga hor istaagay iney isticmaalaan Waddooyinkaas.
Dadkii ku noola deegaankaas ayaa ka barakacay kadib markii ay ka biya diideen in ay baad siiyaan maleeshiyaadka argagixisada Alshabaab, taas bedelkeeda argagixisada waxa ay gubeen Ceelbiyoodkii ay cabi jireen dadka deegaanka iyo guryihii ay ku hoyanayeen.
Gashaanle C/raxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) taliyaha Ururka 4aad ee Xoogga dalka DANAB oo hogaaminayay Howlgalka ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka ay ku dadaali doonan dib u howlgelinta Ceelkii degaanka Ceel-saliin ee Goblka Shabeellaha Hoose.
Muddo saddex bilood gudahood waxa maleeshiyaadka Alshabaab gacantooda ka baxay deegaano badan oo ay ku dhibaatey jireen dadka rayidka ah, iyagoo ka qaadi jiray lacago baad ah iyo Xoollo nool, waxaana Ciidamada Qaranku ay wadaan howlgallo looga sifeynayo dalka maleeshiyaadka argagixisada Alshabaab oo markii ay u babac dhigi waayeen Ciidamada qalabka sida ku soo jeestay dadka rayidka ah.