Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada DANAB oo Argagixisada Alshabaab ku sii baacsanayo deegaanno horleh

admin by admin
June 23, 2019
in Wararka
0
Ciidamada DANAB oo Argagixisada Alshabaab ku sii baacsanayo deegaanno horleh
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deegaanka Ceel-saliin oo 20-KM dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeellaha Hoose iskuna xira deegaanada Dhanaane, Gardarshe, Nambar 60 iyo deegaano kale ayaa marin muhiim ah u ahaa maleeshiyaadka Alshabaab, iyagoona ka soo abaabuli jiray falalka argagixisanimo ee lagu gumaado dadka rayidka ah, balse arrintaas waxaa soo afjaray Ciidamada Xoogga dalka ee DANAB oo Nabad diidka si xoog ah uga hor istaagay iney isticmaalaan Waddooyinkaas.

Dadkii ku noola deegaankaas ayaa ka barakacay kadib markii ay ka biya diideen in ay baad  siiyaan maleeshiyaadka argagixisada Alshabaab, taas bedelkeeda argagixisada waxa ay gubeen Ceelbiyoodkii ay cabi jireen dadka deegaanka iyo guryihii ay ku hoyanayeen.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025

Gashaanle C/raxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar) taliyaha Ururka 4aad ee Xoogga dalka DANAB oo hogaaminayay Howlgalka ayaa sheegay  in  Ciidamada Xoogga dalka ay ku dadaali doonan  dib u howlgelinta  Ceelkii degaanka Ceel-saliin ee Goblka Shabeellaha Hoose.

Muddo saddex bilood gudahood waxa maleeshiyaadka Alshabaab gacantooda ka baxay deegaano badan oo ay ku dhibaatey jireen dadka rayidka ah, iyagoo ka qaadi jiray lacago baad ah iyo Xoollo nool, waxaana Ciidamada Qaranku ay wadaan howlgallo looga sifeynayo dalka maleeshiyaadka argagixisada Alshabaab oo markii ay u babac dhigi waayeen Ciidamada qalabka sida ku soo jeestay dadka rayidka ah.

Previous Post

Xog-hayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/Wasaaraha oo la shiray Agaasimayaasha Wasaaradaha Warfaafinta,Kalluumaysiga iyo Tamarta

Next Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Waddo Cusub Dhagax dhigay+Sawirro

Next Post
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Waddo Cusub Dhagax dhigay+Sawirro

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Waddo Cusub Dhagax dhigay+Sawirro

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

July 12, 2025
0

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Soolka waxa ay ka wadaan, kulamo lagu dardargelinayo dhammeystirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In