Sunday, July 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada dowladda ee ku sugan goolka Bakool oo deegaanno hor leh kala wareegay Al-Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 22, 2015
in Wararka
0
Deegaanno ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose oo howlgallo laga sameeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada  Xoogga dalka  ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanno iyo tuulooyin horleh  oo  hoosyimaada  Gobolka  Bakool, halkaasi oo ay ka saareen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa tuulooyinka ay la wareegeen kala ah Buur-dhuxunle, Garasweyne  Moora gaabay, gubadka iyo deegaanno kale, waxaaana ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ay howlgallo amni xaqiijin ah ka wadaan deegaannada ay kala wareegeen argagixisada Al-Shabaab, iyagoo la wareegay hub iyo saanad milateri oo ay isaga carareen Al-Shabaab kuwaasi oo ay ku jiraan hoobiyeyaal.

Related posts

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025

Taliyaha Guutada 8aad ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Bakool Cabdiraxmaan Maxamed Cusmaan (Tima-cadde) ayaa  Radio Muqdisho u xaqiijiyay deegaannada ay kala wareegeen argagixisada Al-Shabaab, isagoo xusay in shanta degmo ee ay ka koobantahay gobolka ay gacanta ugu jiraan ciidamada dowladda, dagaalkuna uu ka socdo dhulka howdka ah.

“14 goobood ayaan kala wareegnay, horjoogihii kooxda Shabaab ee u qaabilsanaa Gobolka Bakool waan ka dilnay, tuulo yar ayay ku hareen argagixisada Al-Shabaab, howgalkuna wuu sii socon doonaa, ilaa iyo inta aan ka saareyno deegaannada Gobolka Bakool ee ay kaga suganyihiin Al-Shabaab” ayuu yiri Taliyaha.

Previous Post

AMISOM oo beenisay inay dad rayid ah ku dileen magaalada Marka

Next Post

Deg deg: Ciidamada dowladda oo la wareegay gacan ku heynta degmada Baardheere

Next Post
Madaxweynaha oo ka qeybgalaya caleema saarka madaxda maamulka Galmudug.

Deg deg: Ciidamada dowladda oo la wareegay gacan ku heynta degmada Baardheere

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qaabishay saraakiil dowladda ka socd

July 12, 2025
0

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha Dr Hodan Cusmaan Cabdi, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Beijing ku qaabishay saraakiil dowladeed oo...

Guddoomiyaha SoDMA iyo  Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay  Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha SoDMA iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabeelle oo ka wada hadlay Gurmadka Beni’aadannimo ee Gobolka Hiiraan

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamed Macalin Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweyne ku‑xigeenka Dowlad...

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

Wasaaradda Howlaha Guud ee Hirshabeelle oo dhagax-dhigtay dhismaha waddooyinka Beledweyne

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib-u-dhiska iyo Guryeynta Dowladda Hirshabeelle  Maxamuud Xasan Bariise, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad...

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo magaalada Laascaanood ka wada kulamo lagu dardargelinayo dhammeytirka dhismaha SSC-Khaatumo

July 12, 2025
0

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Laascaanood ee gobolka Soolka waxa ay ka wadaan, kulamo lagu dardargelinayo dhammeystirka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In