Thursday, October 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada Gaashaan oo Soo Gaba-gabeeyay Weerarkii xalay lagu qaaday Pizza House iyo Posh+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Ciidamada Gaashaan oo Soo Gaba-gabeeyay Weerarkii  xalay lagu qaaday  Pizza House iyo Posh+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidammada sida gaarka ah u Tababaran ee Gaashaan ayaa ku guulestay inay soo Afjaraan weerarka Argagixisada ay ku qaadeen Maqaayadaha Pizza House iyo Posh.

Howlgal qaatay muddo saacado ah oo ay ciidamada sida gaarka ah u diyaarsan xalay ilaa iyo saakay ay wadeen ayaa lagu guuleystay in la soo gaba-gabeeyo iyadoo goobta laga soo saaray dad dhaawacya qaba  iyo kuwa dhintay.

Related posts

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026

Tirada Dhimashada ayaa la sheegayaa in ay gaareyso ku dhawaad 18 ruux  ay kujiraan Lix gabdhood oo Maleeshiyaadka cadowga ay halmeel kuwada dileen, kuwaas oo labo ka mid ah ay wada dhasheen. halka dhaawacana uu yahay 19 ruux, dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwo goobta u yimid in ay waqti nasasho ah ku qaataan.

Dableyda hubeysan ee gudaha ugashay maqaayadda Pizza House  iyo ciidamada ammaanka ayaa saacado  ku dagaallamayay gudaha maqaayadda, taas oo keentay in ay damaan leerarkii iftiinka howlgalkuna sidaa u ku dheeraado.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in la toogtay dhamaan raggii gudaha u galay Maqaayadda Pizza House xaaladduna ay dagan tahay goobtana ay joogaan  ciidamada ammaanka.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa si isku mid ah weerarkan ugu qaaday maqaayadaha Pizza House iyo  Posh hasa ahaatee waxa ay gudaha u galeen maqayadda qasaaraha badan ka dhashay ee Pizza House oo ka soo horjeedda  Posh oo labaduba ah goobo dhallintu ay ku caweeyaan.

Previous Post

Wararkii ugu danbeeyay ee qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho “SAWIRRO’

Next Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

SoDMA oo  kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

SoDMA oo kulanka ansixinta Qaab-dhismeedka Soo-kabashada isugu yeertay Hay’adaha Dowladda JFS

October 1, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay isugu yeertay Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka...

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga Danjirenino ka guddoomay Safiirada cusub ee Turkiga & Midowga Yurub

October 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qasriga Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga safiirnimo kaga guddoomay Danjireyaasha cusub ee...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In