Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamada GalMudug oo Al-Shabaab ka saaray agagaarka Caad & Ceel-Cabd+Warsaxaafadeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda GalMudug ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-Shabaab laga saarayo dhammaan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan, oo firxadkii argagaxisada ee agaagaarka Caad & Ceel-Cabdi ee maanta ayaana tusaale ugu filan nabad-diidka inay isaga cararaan deegaanada ama ay isu soo dhiibaan ciidamada GalMudug.

Wasiirka Warfaafinta & Dhaqanka Mudane Mohamud Aden Osman (Mesagaway) ayaa sheegay in ciidamada GalMudug ay dagaal ku qaadeen kooxaha nabad-diidka oo ku dhuumaaleysanayey agaagaarka Caad & Ceel-Cabdi oo dhowaan laga saaray deegaankaas.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wasiir Masegaway ayaa yiri “Dowladda GalMudug oo in muddo ah waday dadaalo lagu sugayo amniga iyo nabadeynta ee deegaanada GalMudug ayaa ciidanku ay maanta oo ah 1da Maarso 2016 ay guulo ka soo hoyeen oo kooxaha argagaxisada ah laga sifeeyey agagaarka deegaanka Caad & Ceel-Cabdi oo ay isku urursanayeen si ay u soo weeraraan deegaanka oo dhowaan farahooda laga maroojiyey. Guushii maantana waxey kalsooni gelineysaa shacabka deegaanka oo maalin walba hubsanaya in geesiyaasha ciidamad GalMudug ay heegan joogta ah ugu jiraan sidii argagaxisada looga sifeyn lahaa dhammaan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan.”

Wasiir Mesegaway oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Dowladda GalMudug ee Soomaaliya waxey go’aansatay in dagaal culus lagu qaado kooxaha argagaxisada ah si loogu diido goobo ay ku dhuumaaleystaan. Ciidanka GalMudug iyagoo ka duulaya awaamiirtii Madaxweynaha GalMudug isla markaashana kaashanaya shacabka deegaanka ayaa waxey ka war-heleen in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isu abaabulayeen inay dagaal ku soo qaadaan deegaanadii dhowaan laga saaray. Sidaas daraadeed ayey ciidanku iyagoo kaashanaya shacabka go’aansadeen inay dagaal ku qaadaan oo ku soo dhamaaday guul oo kooxihii argagaxisada laga saaray deegaanadii ay ku dhuumaaleysaneyeen ee Gobolka Mudug. Argagaxisada ayaa meydkooda iyo dhaawacooda urursaday oo u firxaday dhanka degmada Xarardheere.”

Wasiir Mesegaway ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay shacabka GalMudug inay ciidamada la shaqeeyaan si amniga deegaanka loo sugo. Sidoo kale Wasiir Mesegaway ayaa baaq u diray dhalinyarada la qalday ee Al-Shabaabku adeegsanayaan una sheegay in la soo dhoweynayo haddii ay ciidamada isu soo dhiibaan oo ay qoryaha iska dhigaan diyaarna u yihiin inay nabada qaataan. Wasiir Mesagaway ayaa ka codsaday Madax dhaqameedka, culumaa’udiinka, waxgaradka iyo dhammaan qeybaha bulshada inay ka shaqeeyaan nabadeynta iyo sidii dhalinyarada la marin habaabiyey loo wacyigelin lahaa loogana soo saari lahaa dhibka ay ku jiraan.

 

 

 

 

 

 

 

Previous Post

Go’aamo ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada

Next Post

Dhageyso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Next Post
Barnamijka, Falanqaynta Ciyaaraha oo looga haddlaayay Xiriirka Cusub ee Kubadd Cag yaraha Soomaaliyeed” Dhagayso”

Dhageyso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In